Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheeyn (MSF) oo sheegtay in aysan Howlaheeda gar gaar ka wadi karin Koonfurta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeeda ay soo saartay Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheeyn ee (MSF) ayaa waxay kaga hadashay howlihii gar gaar bixinta ee dhinaca caafimaadka ay siin jirtay dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka u baahan.

Sidoo kale Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheeyn  (MSF) ayaa waxaa ay ku sheegtay in a xiliga ay  Hay’adda wax ka qabanayso baahida caafimaad ee ka jirta Soomaliya ay sii adkaanayso in daryeel caafimaad lagaarsiiyo dadka u baahan.

Dhanka kale MSF waxay  sheegtay in lagu soo wargiliyay qaar ka mid ah duulimaadyada agabka caafimaad ee aas aasiga u ah shacabka Soomaaliyeed qaarkood laga mamnuucay in ay ka soo dagtaan garoomada diyaaradaha sida qaar ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya oo ay ka wadaan maashaariicdaasi iyadoo sheeagtay in wadada kaliya ee hada u faran ay tahay in ay soo marsiiyaan wadooyinka dhulka ah oo ay tilmaamtay in ay yihiin kuwa halis ah,.

Warbixinta waxay intaasi ku dartay in safarkaasi uu qaato 5-ilaa iyo 7-maalmood si loo gaaro goobaha ay ku sugan yihiin dadka bini’aadanimo loo fidinayo.

Hase yeeshee  Hay’adu waxaa ay xustay in bishi lasoo dhaafay gaari wayn oo cunatada nafaqo darida u waday mid ka mid ah Isbitaalada (MSF) ay joojiyeen rag hubeysan oo aan sheegin Hay’adu halka ay ka tirsanyihiin kuwaasi oo wixii saarnaa gaariga kala dagay, waxaana ay warsaxafaadeedkeeda sidoo ku sheegtay in Hay’adda markaasi kadib ay sameysay codsiyo is daba joog ah taasi oo aan waxba ka fulin sida ay Warsaxaafadeedka lagu xusay.

Ugu dambeyntii Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheeyn (MSF) waxa ay ka codsatay dhinacyada isku haaya wadanka Soomaaliya in howlaheeda caafimaad, shaqaalaheeda sahaydeeda gar gaarka iyo Xarumaheeda ixtiraamaan si ay ugu suurta gasho in daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ay ugu fidiso dadka dhibatada ku haysta  islamarkaana lagu badbaadinayo dadka dhiban ee xiligani caafimaad darida ku haysata goobaha lagu barakacay gaar ahan dadka ku dhaqan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda MSF waxay ku sheegtay Warsaxafaadeedkeeda gar gaarka ay siiso dadka Somaaliyed in ay uga gon-leedahay sidii dhibaatada dhinaca caafimaadka wax looga qabanlahaa dadka ka baracakay guryahooda ku yiilay gudaha Magaalada Muqdisho oo iminka xaalad caafimad daro ku haysata goobo badan oo ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: