Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo labada isbuuc ee soo socota shirar deg deg ah ka yeelanaya Arrimaha nabad gelyada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wasiirada Arimaha dibadda Golaha nabad gelyada  ee midowga Afrika ayaa  shir deg deg ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya Jimcaha soo socda 15-ka bishaan isugu imaanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

sida ay shaacinayaan wakaldaha wararku Golaha ayaa ka shiraya sidii arrimaha Soomaliya xal deg deg ah looga gaari lahaa, taas oo qorshaha lagu gaari karaahi yahay sida ay sheegeen diplomaasiyiinta Africa, in awoodda howlgalka loo kordhiyo Ciidamda Amisom oo hadda haysta ogolaanshaha ah isdifaacid nafeed iyo ilaalinta goobaha dowladda KMG ah ee   Soomaaliya, kuna magacaaban nabad ilaaliye-yaal.

Waxaa la doonayaa in Awoodooda laga dhigo, nabad dhaliye yaal, isla markaasna awood loo siiyo inay weerar dagaal ku qaadi karaan meel kasta oo ay joogaan kooxaha Al-Shabaab iyo kuwa kale ee dowlad diidka ah, waxaana lagu wadaa inay qorshahaas ansixiyaan kulanka Jimcaha ay isugu imaanayaan.

Sidoo kale golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa 21-ka bishaan  shir  aan caadi ahyn oo deg deg ah ku yeelanaya New York, kaas oo lagu falan qaynayo, nabad kusoo dabaalidda  arrimaha Soomaaliya iyo codsiyo ka yimid, Midowga Africa oo dalbanaya in  loo ogolaado awood kordhinta ciidamada AMISOM  oo loo sharciyeeyo inay ku howl galaan, qaab nabad dhalineed iyo in laga kaalmeeyo dhaqaale ku bixinta ciidamo Amisom oo la doonayo in lagaarsiiyo 20,000 Askari, isla markii la helo ogolaanshihii ay ku howl geli lahaayeen.

Ciidamadaan oo Dowladda yugaandha shafka ugaraacday ayaa shuruud looga dhigay, in la helo oo kaliya dhaqaalihii ay ku howl geli lahaayeen, iyadoo uu Qaramada midoobay ka codsaday Museveni, madaxweynaha Ugandha inay ka taakuleeyaan xagga dhaqaalaha, isaguna uu diyaar la yahay kaligiis ciidanka ay u baahan tahay Africa ee Soomaaliya loo qorsheeyay.

Labada gole ee Africa iyo kan Qaramada midoobay ayaa labaduba dersaya, isla markaana iska kaashanaya, waxa u suurta geli kara iyo tilaabooyinka ugu macquulsan ee ay qaadi karaan, xilliyada soo socda oo loo arko mid aad u muhiim ah, maadaama uu kala jab ku yimid kooxdii ugu xooga badnayd mucaaradka dowladda KMG ah kasoo horjeeda waa Al-Shabaabe.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: