Sirdoonka reer Yurub iyo Midowga Africa oo isku raacay in Al-Shabaab ay saldhigyo ku dhex leedahay Yurub iyo Afrika.

Halkaan ka akhri

Ururka Al-Shabaab ayaa la heegay inuu si toos ah u maamulayay oo gacanta ku hayay ilaa 50 xarumood oo ku kala baahsan qaaraddaYurub iyo Afrika oo la sheegay inay u isticmaalaan samaynta ilaha dhaqaale iyo jihaynta Ajaaniibta jihaad doonka ah ee ka dagallama Soomaaliya.

Warbixinno ay si kala gooni gooni ah u aruuriyeen, Wakaalado Sirdoon, Ururo dowliya iyo kuwa Maxalliya, Joornaaliste-yaal iyo Midowga Africa Xafiiskiisa Kenya ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-Shabaab in muddo ah gacanta ku hayeen ilaa iyo 50 goobood oo u badan Masaajidyo, meherado ganacsi  iyo meelo kale.

Xogtaan oo lagu daabacay shabakado internet oo ay wararka Argagixisada la xiriira ee aan cusbayn isku dhaafsadaan, AJensiyo la shaqeeya Dowlado, Hay’ado,  iyo  wakaaladaha sirdoonka ayaa muujinaysa in 8 waddan oo ka mid ah kuwa ugu waawayn Yurub Al-Shabaab ku dhex lahaayeen, gobo badan oo dhaqaalaha iyo mileteriga Xarakadu ay ku taagan tahay u ahaa laf dhabar aysan la’aantood Kooxdu jiri Karin muddo dheer.

Qoraalkaasi oo meelaha laga uruuriyay aysan ka mid ahayn qaaradaha America iyo Asia ayaa tilmaamaya goobihii ay gacanta ku hayeen magacyadooda, wadamada ay ku yaalleen iyo shaqada ay qaban jireen, waxayna muujinaysaa xog aruurintaas oo u muuqatay in xoogga lagu saaray dhinaca Sadaqo aruurinta iyo Masaajidyada sidii ay ugu suurta gashay hay’adahaas inay helaan, isla markaana ogadaan meelahaas iyo ciddii ka caawisay oo isugu jirta Somali iyo Ajaanib, waxaana idin soo koobayaa qaybta Masaajidyada looga hadlayay oo ahayd tan ugu cuslayd.

Dalka Fransiiska ayay warbixintu shegtay in Al-Shabaab gacanta ku hayeen, Saddex  Masaajid oo ku kala yaalla Paris oo 2 Masaajid ah iyo Marseille oo Hal Masjid ay maamulayeen. sidoo kale  Dalka Jarmalka ayuu qoraalkaasi tibaxayaa inay Xarakadu ku lahayd 4 Masjid oo ku yaalla magalooyinka Berlin 2, Hamburg Hal,  iyo Frankfurt oo hal ah, sidoo kale Holland ayay ku lahayeen 2 Masajid magalooyinka Amsterdam Hal  iyo Rotterdam oo mid kale ah, waxay Talyaaniga ku lahaayeen sida warbixintu xusayso Saddex Masaajid oo ku yiil Rome 2 iyo Milano oo Hal Masjid ah. Wadamada Iskandaneeviyaanka waxay xarakadu maamulaysay 8 Masaajid oo kuyaallo Norway: Oslo 3, Denmark: Copenhagen Hal iyo Sweden: Stockholm 3 iyo Malmo oo Hal ah.

Wadanka ugu badan Yurub ee Al-Shabaab gacanta ku hayeen Masaajidda ayaa lagu sheegay dalka Ingiriiska oo lagu qeexay 11 Masaajid iyadoo ay London kaliya kulahayeen 5 Masaajid, Manchester 2, Birmingham 3 iyo Bristol oo hal Masaajid ah.

Wararkaas ay wadaagayeen wakaaladaha sirdoonka ayaa qeexaya qaababkii ay u shaqayn jireen iyo xeeladihii ay dhaqaalaha ku heli jireen iyo sida kuwa jihaad doonka ah  loogu sahli jiray inay gaaraan Dalka Soomaaliya, iyadoo la xusay meelaha iyo dariiqyada ay usii marin jireen Soomaaliya.

Qoraalkaan oo ka kooban 27 bog, wuxuu sheegayaa in dhammaan shaqadaas ay qabtaan iyo dhaqaalaha ay sameeyaan wakiilladaas Yurub ku sugan lasii marsiin jiray Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, gaarahan laba Masaajid oo la sheegay inay yihiin Kuwa ugu waawayn deegaanka Soomaalida Islii oo warbxintu xustay in ilaa iyo hadda ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sababo lagu sheegay dowladda Kenya oo codsatay in lasiiyo waqti ku filan, si aysan arrimahaas xasaasiyo uga dhex kicin qowmiyadaha kala diimaha ah eek u sugan dalkaas.

Waxay xustay warbixintaasi in labadaas Masjid eek u yaalla Eastleigh (Islii) ay bil kasta Soomaaliya u diri jireen lacag lagu qiyaasay isku celcelis $680,000 (Lix boqol iyo Sideetan kun) oo doollarka Maraykanka ah oo ay shegeen in qaarna toos loo marsiin jiray xawilaadaha Soomaalida, halka qaybo kalena lagu gudbin jiray qaab badeecad u socota Soomaliya oo laga diro Nayroobi.

Waxay xuseen in tirade ugu badan ee dadka Jihaad doonka Ajnabiyiinta ah, meesha ay Al-Shabaab isku bartaan ahayd Nayroobi, halka tiro yar oo kalena la shegay inay ku gashay Soomaaliya siyaabo kale. Warbixintaan oo aan idinnkaga soo koobnay ujeedada guud ee laga lahaa iyo muhiimadda ugu sareysa ee ay ka hadlaysay, waxay sheegtay in Xarumha Yurub ee Al-Shabaab gacanta ku haysay badankood laga fara maroojiyay, hase yeeshee ay weli jiraan meelo badan oo ay si toosan iyo si dadban u hayaan Xarakadu oo weli qaabkii looga xil wareejin lahaa uu socdo, sababo lagu macneeyay shuruucda ilaalinaysa dadka reer Yurub oo difaacaysa qaar ka mid ah goobahaas.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: