Shirqoolkii Shabaabka oo fashil ku dhaw, iyo sheekadii dowladda oo in ay Sharci noqoto u dhaw.

Halkaan ka akhri

 
Waxaa mudo laga joogo konton sano ka dhaxeeyay gacansaar siyaasadeed deegaamada puntland iyo Muqdisho iyagoo is fahan siyaasadeed iyo isgaashaanbuuraysi ka dhaxeeyay ayaa hadana waxa jirtay in qolo waliba leedahay ujeedo gaar ah oo iyada danteeda ku saabsan waxaa labada deegaan ay noqdeen labada deegaan ee ugu nasiibka badan dhinaca maamulka wadanka iyo jagooyinka ugu sareeyaa iyada oo qolo waliba haysato cadad ama tiro gooniya, qolada muqdisho ayaa ku hogaaminaysaa Sadex madaxweyne iyo laba Ra,iisal wasaare, iyo madaxweyne ku xigeen. halka qolada barina haysato laba madaxweyne iyo sadex ra,iisal wasaare, waa arin cajiiba haddii loo sii dhabo galo waxaana jira isfahan iyo isfahandaro labadaas deegaan kala haysta taasoo ah sidan.
Waxaa ku badan hadalhaynta bulshada iyo saxaafada laba arimood oo kala ah xulashada ra’isal wasaaraha iyo khilaafka Al-Shabaab bal hadaba aan falanqaynayo dhaxalka labadaa arimood is bedelkooda laga helikaro, sheekada ayaa ah mid aad u xasuus badan oo dadka qaarna taabanaysaa Qaarna fajac ku reebaysa qaarna wali ku mashquulsan yihiin maxsuulka ama natiijada ka iman karta.
1:- Isfahan ah inay isu codeeyaan iskuna taageeraan cugashada ama doorashada qoloba qolada kale oo xeerkani ka dhaxeeyay ilaa 60kii iyada oo dhamaan madaxdooda inta badan fuliyeen axdigan ku dhisan danta labada deegaan.
2:- Isfahan daro marka laga reebo dowladii ugu horeysay waxaa cad in laba waliba oo markaas madax ka ah dalka ay is khilaafaysay iyaga oo khilaafkooduna ahaa mid aan laga gaadhin xal iyo isfahn ku dhamaada is jiid jiid dagaal iyo jilba murux aan lahayn isu tunaasul oo marba deegaan loo awood sheegto daacayad iyo digashona ay ku reebto.
Hadaba waxaa hada dadka hadalkiisa ku badan in giiraanta siyaasadu isbedelayso oo waji cusub oo siyaasadeed soo socdo ay iman doonto isbedel gaashaanbuuraysi siyaasadeed oo ka duwan kii hore iyada oo xilka Ra,iisal wasaaraha loo saadaalinayo deegaamo kale oo soomaaliyeed oo iyaguna u taagan inay ka soo qayb galaan loolaanka siyaasadeed ee mudada ku wareegayay laba gobol oo kaliya in la helo is bedel cusub oo keena waji cusub iyo siyaasad iyo dhaqaaq cusub (isku daalnaye maxaa inoo dana.
 
Waxaan sugnaaba waa isbedelka 50 sano ee soo socda ee siyaasadeed iyo jawiga cusub ee aynu la jaanqaadi doono. Taasi haddii ay dhacdo waxaa iman doonta in dowladu noqoto mid sharci ku taagan una dhaxaysaa shacabka soomaliyeed qof walbana lagu xusho kartidiisa iyada oo wareega labaadna loo gudbi doono doorasho xor ah, oo ay meesha ka bixi doonto nin jeclaysiga, iyo ahdaaftii siyaasadeed ee ku salaysnaa kala qaybinta shacabka soomaaliyeed.
 
Waxaa kale oo aad iyo aad loo hadal hayo waa khilaafka ba, an ee soo kala dhexgalay kooxda shabaab oo aad moodo arin qoloba si u fahantay, arin qolo ku faraxday qolona ka xumaatay qolona ku toostay qolona u qaadan waa ku noqotay.
 
Hadaba waayo shabaab xagayse ka soo jeedaan.
 
1:- koox loo soo tabaray dhibaataynta iyo dheelaynta umada muslinka ah oo soo bartay diinta islaamka oo ajaaniba isuna ekaysiiyaa muslimiinta lagana soo diray kaniisado iyo wadamo asal ahaan neceb islaamka.
 
2. qolada kalena waa qolo calooshooda u shaqaystayaal ah oo fuliya ujeedada dadkaas iyaga oo og waxay sheegayaan iyo waxaay qabanayaan inay yihiin wax aan diinta islaamka sal iyo raad ku lahayn ayay hadana banaystaan iyaga oo sidii dabeecadii yuhuuda bedelayaa macnaha iyo ujeedka aayaadka quraanka iyo axaadiista.
 
3:- qolada sadexaad waa qolyo isku jira oo siran iyo kuwo naf biday oo markii hore ku qabay umada ay la noolyihiin dulmi badan ka dibna u arkay xalka keliya ee ay dulmiga kaga bixi karaan inay kooxdan taageeraan, iyo qolyo aan aqoontooda iyo garaadkoodu ku filnayn oo filinka dhab ahaan u metelaya. Qolyo sheekadoodu tahay dadkaaga dhinac ka raac oo aan sii fogayn hadba qoladii badan iska raaca.
 
Waa kuma hogaamiye Godane
 
Waxaa la yidhaahdaa axmed cabdi godane oo deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanka somaliland laysku yidhaahdo hadaad raadiso taariikhdiisa waxaad ogaanaysaa inuu ahaa nin burcada ama qowlayste ah calooshiisa u shaqaysta ah oo dhac iyo dil iyo boob badan soo gaystayn deegaankiisa ka ah nin danbiile ah oo aan xitaa tegi karin sumcad iyo taageerona ku haysan dadka reer somaliland waxaa cad inaysan fekerkaas la qabin waayo bulshada somaliland ayaa waxay ku caan yihiin umad jecel nabada iyo wada noolaanshaha .axmed cabdi godane oo ku caan ah wanjalaada ama shirqoolka dilalka qorshaysan , sida dialka waxgaradka, aqoonyahanka, culumada, iyo dhamaan qaybaha bulshada oo dhan, axmed cabdi godane ayaa waxuu soo caan baxay ka dib markii uu khaarajiyay saaxiibkiis aadan xaashi cayroow oo loo tiriyo inuu ka danbeeyay axmed godane arinkaas. Maadaama uu yahay xubin ka tirsan sirdoonka dowlada israa,iil ee uu sida tooska ah ugu xidhan yahay oo dakhliguna ka soo galo.
 
Axmed Godane kooxdiisa ayaa waxuu ku hantay laba arimood
 
1:- inuusan jirin wax colaada oo ka dhaxaysa ama dhexmartay deegaanka uu ka soo jeedo iyo kan uu dhibka ka wado. Waa koonfur iyo waqooyiye, oo aysan jirin utun ama godob colaadeed oo dhexmartay dagaaladii sokeeye sidaana lagu aaminay dadka qaarkiisa una arkaan inuusan wadin gumaad iyo xasuuq ku salaysan aargoosi..
 
2 :- isaga oo haysta ama ay soo gasho hanti iyo dhaqaale u kala qaybiyo kooxda shabaab hadba kii ka hor yimaadana si lama filaana u khaarajiya sida aan maqalnay , waxaa dhacay qaraxyo badan oo dhexdooda ay isu dhigaan oo masuuliyiin kaga dhimato iyo iyada oo qaarkood la duqeeyo oo weerar dibada ah lagu dilo.
 
Sida aan wada ognahay aduunku waxuu gaadhay heer dadkaad doonayso inaad dan ka fushato inaad hesho koox iyaga ka mid ah oo kuu adeegta iyaga oo ku shaqaynaya fekerkaaga iyo ujeedadaada siyaasadeed dadka qaarkood ayaa qoraalkaygan la yaabaya waxayna markhaati ka yihiin in sirdoonka aduunka laga helo qowmiyad kasta iyaga oo qaarkood wadankooda hawlgalo ka fuliyaan markaas axmed godane waa Agent, ama Xubin ka mid ah kuwaas.
 
Waxaa cadaynaysaa inuu yahay xubin ka mida sirdoonka yuhuuda in uu xidhiidh la leeyahay Ereteriya oo ah wadan ay yuhuudu usoo mariso saanada ciidanka, hubka iyo dhaqaalahaba.
 
Dhaqaaalaha ka soo gala dhinaca yuhuuda ayaa ah mid aan la qiyaasi karin oo badan waana tan sababtay awooda iyo baaxada ciidan inuu ku maareeyo ee tiradaas leh mana ah sida dadka qaarkood aamisan yahay dhaqaale jaaliyad ama kooxi dirto ama ganacsade mid lagu maarayn karo waxaas oo dhanso dhaqaalaha dalka gudihiisa ka soo galaana hal maalin ma kaafiyi karo dhamaan ciidanka godane ama kooxda Shabaab.
 
Taas waxaa markhaatigeeda furaya dowlada KMG oo aduunka oo dhami lacag iyo ciidan iyo saanad ugu deeqay inay socon wayday ciidankeeduna mar walba ka goosto dhaqaale xumo darteed iyo mushahaaro la,aan ama gadoodo ama dadka iyo maatida dhaco.
 
Halka axmed godane iyo kooxdiisa shabaab bishiiba ay soo gaadho dakhli dhan dhan 100. Bilyam oo maraykan ah oo laga keenay wadanka israa,iil oo loogu talagalay inay ku fuliyaan hawlaha ciidan.
 
Taas oo ujeedadeedu tahay in lagu baa, biyo halqabsiga umada soomaaliyeed ee ah inay yihiin 100% muslim lagana waayo aduunka korkiisa umad ama wadan 100% muslina dowladaha isir ahaan neceb islaamka ayaa dhaqaale iyo wax walba kubixiyaan si umadaha islaamka ahi u nacaan diintooda ugana cararaan wadamadooda si loo helo jiil cusub oo iyaga oo bedelma , marka lagu dhibaateeyo magaca diintooda iyo caqiidadooda islaamka , iyada oo laga beensheegayo laguna sameeyo xadgudubyo iyada oo looga dhigayo diinteena wanaagsan ee islaamka wax aan naxariis lahayn , horumar lahayn, nabad lahayn in dadka caamada ah ee aan aqoonta diinta u lahayn oo dhami helaan qiil ay kaga baxaan diintooda ama ku fadeexadeeyaan sida hadaba rag iyo dumar soomaaliyeed ku soo caan baxeen.
 
Hadaba labadii xaqdaro ku heshiisa xaqaa isku dira waxaa la gaadhay waqtigii ay sheekadoodu qarxi lahayd arinkooduna dhamaan lahaa umuda sirana ogaan lahayd taas oo muujinaysaa in shirqoolkii shabaab iyo shuhubkoodiiba ku dhamaanayo wadadii lagu yaqaanay dadka hadimada iyo waxyeelada ku heshiiya(booraamo hadimo ha qodin ku dhici doontaana moojiye).
 
Waxaad moodaa in shacabkii u muuqdaan kuwo kala garanayaa dantooda iyo dhibkooda waayo shacabka soomaaliyeed waxaa mar walba durbaanka u garaacaan ninka dilayaa ee duminaya ee dalkooda iyo diintooda dhibaya iyada oo qaab isir nacayba la kala dhex dhigay qofkuna uusan eegayn qofka dadnimadiisaa wadaniyadiisa iyo hawlkarnimadiisa ee uu markiiba eegayo meesha uu ka soo jeedo deegaankiisa , beeshiisa, iyo xidhiidhka ka dhaxeeyaa dhinaca kale kan uu taageerayo aanu eegayn qofka yahay sumcadiisa dhaqankiisa diintiisa inuu yahay daalim ama tuug dilaal wada dano shisheeye iyo in kale ee uu eegayo ee eegayo dhinaca beesha uu ka soo jeedo inuu yahay ama beel gacan saar la leh.
 
Haddii shacabku arintan ka waantoobi lahaa waxaan imaan karta isfahan dhexmara umada soomaaliyeed iyo in loo gudbo wareegiin nabada , horumarka, dhismaha, dowladnimada, iyo wanaaga nololeed oo dhan lagu heli lahaa.
 
Hadaba waxaan dhawrnaaba waa doorka khilaafku ku dhamaado, iyo doorashada Ra,iisal wasaaraha iyo dedaalka shacabku u galaan noloshooda sanadkan dhamaadkiisa iyo kan soo socda bilowgiisaa.
 
Sanadka soo socda oo u eg sanad umada soomaaliyeed uga duwanaan doono sanado badna oo madoobaa oo ay soo mareen guushiina la gaadhay waqtigii hadii la gaadhay sanadkii 20aad.
 
Waa inaan ka taxadarnaa in sanadka 21aad lagu gaadho dhibaato iyo dagaal mar kale .
 
Ugu danbayn waxaan leeyahay, baarlaamaanku haduu daacad noqon lahaa, shacabkuna dantooda ogaan lahaayeen , madaxweynuhu danta guud wax walba ka hormarin lahaaa, mucaaradku af iyo qalin ku doodi lahaayeen, dadkuna dalka iyo dadka u sinaan lahaayeen dunida ayaan wax la qaybsan lahayn soomaaliyeey.

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: