Qaar ka mid ah Madaxdii Al-Shabaab ee Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose oo shalay ilaa xalay u kala tilaabay Baardheere, Xudur, iyo Baydhabo.

Halkaan ka akhri

Qeybo ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa gobolada Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose oo wata gaadiid dagaal, isla markaana ay horkacayeen saraakiil sar sare oo iyaga hogaaminaysa ayaa u tilaabay dhanka magaaalooyinka Baardheere, Xudur iyo Baydhabo.

 

Maleeshiyaadkaan iyo saraakiisha hogaaminaysa ayaa la sheegay in ka soo bixitaankooda deeganadaas uu salka kuhayo khilaafka soo kala dhex galay, taliye-yaasha sare ee xarakada Al-shabaab oo u kala jabay laba kooxood oo ay kala hogaaminayaan, Muqtaar Abu Zubayr (Axmad Godane) iyo Muqtaar Rooboow (Abuu Mansoor), waxaana la sheegay in maleeshiyaadkan ay ku biireen kuwa kale ooh ore isugu uruursanayay gobolada Bay iyo Bakool iyo Gedo.

Weriyeyaal aan magacooda qariinnay sababo amaan oo ku sugan magaala Madaxda Gobalka Jubada hoose ee Kismaayo ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyay in shalay gelinkii dambe ilaa xalay ay Magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale oo hoos yimaaada Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose ay ka baxayeen ciidamo iyo gaadiid.

Warku wuxuu sheegaya in Ciidanka ka baxay Kismaayo uu horkacayay godoomiyaha Alshabaab ee Kismaayo, Xasan Yacquub, waxayna sidoo kale warbixintu tibaaxaysaa in horjoogayaal kale ay katageen, meelaha kala ah: Baraawe, Buula-mareer, Kubba-kibir,  Kurkurmeeso, Canjeel iyo Janaay-Cabdalle, oo intooda  badan ku taxan labada waddo ee Kismaayo ku xira Magaalooyinka Afmadow iyo Marka.

Wararka aan Helayno waxay sheegayaan in Xasan Yacquub uu xalay gaaray magaalda Baardheere ee gobolka Gedo oo lasheegay inay maanta kuwada kulmayaan Mukhtaar Rooboow oo maalmahaan Abaabul ka waday halkaas.

Oday dhaqameed ka mid ah dadka degan tuulo lagu magacaabo Allan Caato oo 35Km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa isaguna noo sheegay inay shalay galab halkaas ka baxeen gawaari dagaal iyo ciidankii saarnaa oo ay qabteen dhanka Magaalada Marka.

Habeen Hore ayay ahayd markii ay Beledwayne, Buula-berde iyo Mahadaay oo ka tirsan Hiiran iyo Shabeelda dhexe isaga tageen ciidan kale oo qabtay dhianca Bay iyo Bakool, iyagoo ku biiray Maleeshiyaadka Raacsan Mukhtaar Roobow.

SomaliSwiss Bardheere, Kismaayo.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: