Halkaan ka akhri
Aqriste-yaal halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa, Gabayo, Heeso, Geeraaro iyo suugaan ka hadlaysa nabad la’aanta iyo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya oo ay samaysay, Weriyaha caanka ah, isla markaana ah, Fanaanadda Aamina Muuse Weheliye oo aan halkaan idin kugu soo bandhigi doonno, haddii alle ogolaado.
HALKAN KA DAAWO HEESTII ASAYDA & KOOXDA QEYLAÂ DHAAN.
Maanta waxaan soo qaadanaynaa Gabay Aamina Muuse Tirisay dhowaan oo lagu magacaabaa WALAN WAAL, guud ahaan wuxuu ka hadlayaa dhibaatada Soomaaliya iyo dad markasta ka hor taagan umadda Soomaaliyeed oo aan soo kordhin karin wax yar oo ah in nabad lahelo.
Gabaygaan wuxuu ka hadalayaa sida inta dadka dhibtay ee hoogga u horseeday, iyagoon waxna u tareyn aqoona u lahayn waxeey sheeganayaan hadana u hortaagan yihiin umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu si gaar ahaaneed u taabanayaa, dhammaan intii madaxda isku shegtay ee 20 kii sano ee igu dambeeyey umadda hortaagneyd isla markaana laga dhexlay oo kaliya gumaad shacab, iyo wadaadada ka duwan kuwii la arki jiray, ee iyagoo kutubka ku doodaaya hadana ku dilaaya, oo dintii nabadgelyada ahayd u badalay diin dhiig, ee marin habaabiyey meeqaamkoodii, welibana u badan kuwo surwaaladi uun qamis ku badallay, oo cimaamadu soo qaatay, si ay dadka u dilaan, sidaasna xukun ku raba, IWM, Bayagaasina wuxuu ku bilaabanayaa:
Madax waalatay  oon aqoon waalidyo caruurba,
wax doortana aneey jirin ee iyagu uun waashay,
misna aan lahayn awoodiyo  walaxey sheegaanba,
wadankana aan maamuli aqoon  hadana waahaaya,
waagii baryana  diyaarado sitoo  wiririftaa haayaa,
waxnaan iigu ool wadkiyo wadeeco mooyaane,
waxaasaa dalkeeygii qaribay dilay dadkeeygiiyee,
waxaasaa wanaagii la tagay wadanki weerteeyey.
Wadaad xume diintii waraqay kutubkii weecaaya,
oo weer xun mooyee  wax kale laga waqiileynin,
oo maatidii waraf ku dilay walax xun tuuraayaa,
oo iswaansaneyn jeeray tahay  waa iyo habeenba,
oo xukun u waashoo wax kale waliba yeeleynin,
waxaasaa dalkeeygii qaribay dilay dadkeeygiiye,
waxaasaa wanaagii la tagay wadanki weerteeyey.
Walax waalanoo waldahan  walidna aqoonin,
warxun sheegid uun ku jira iyo weriye mooryaan ah,
websiteyada qoroo  qaata waraaqo laaluush ah,
ee inta waranka tiirsaday hadeer wararka sheegaaya,
misna weehaantii  suxufi iyo wadadi qaadeeynin,
waxaasaa dalkeeygii qaribay dilay dadkeeygiiye,
waxaasaa wanaagii la tagay wadanki weerteeyey.
Isma waansato aan aqoon war iyo weecaalba,
waxba yahayda diintiyo ka maran wadada toosaanta,
waligood aan doowlad  arag wajirkii qeyrka,
ee waabo bililqiyo ku koray warayo sheeydaanka,
wax toosiyana aan weli la heyn bara wanaagooda,
waxaasaa dalkeeygii qarribay dilay dadkeeygiye,
waxaasaa wanaagii la tagay wadanki weerteeyey.
LA SOCO QAYBAHA KALE…………….
Afeef: SomaliSwiss waxay ogolaansho ka haysataa Fanaanadda ama Weriyaha Soomaaliyeed ee Aamina Muuse Weheliye inay daabacan karaan Qoraaladeeda oo dhan, fadlan Haddii aadan ogolaansho ka haysan Aamina Muuse Madaabacan kartid Qoraaladeeda isugu jira Gabayada, Heesaha iyo geeraarada ee kusoo baxay ama ku soo bixi doona SomaliSwiss, Waa mahadsantihiin.
SomaliSwiss London
Filed under: Heesaha, Midnimada, Wadaniyada |
You must be logged in to post a comment.