Abuu Mansoor iyo xulufadiisa oo dhowaan ku dhawaaqaya Urur cusub iyo shuruudo uu ku xiray dhex dhexaadin ay wadeen golaha Shuurada.

Halkaan ka akhri

Mukhtaar Robow Cali (Abuu Mansoor) oo ah ku xigeenka 2-aad ee Al-Shabaab ahna hogaamiyaha dhinaca siyaasadda iyo qaraxyada ee Xarakadaas ayaa isaga iyo xubno gaaraya ilaa 19 waxay shalay gelinkii dambe xubnaha golaha sare ee Marjaca Al-Shabaab oo u badnaa ajnabiyiin ka tirsan ururweynaha AL-QAIDA u gudbiyay qodobo muhiima oo kala ah: Halkaan ka aqri warar SomaliSwiss hore u daabacday oo arrintaan ka hadlaya.

1- In Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane xilka laga qaado maadama uu ku kacay dilal iyo cadaalad darro ka dhan ah shareecadda Islaamka,uuna yahay nin qabyaaladi ku weyn tahay.
2- In dadka bulshada u shaqeeya faraha laga qaado sida Samafalayaasha,NGO-leeyda iyo shaqaalaha Hay’adaha samafalayaasha.
3- In Kooxda Amniyaad (dilalka qorshaysan) labaabi’iyo maadama ay fuliyaan dilal ka baxsan shareecadda Islaamka, Al-Shabaabna u abuureen cadaawad badan.
4- In baaris lagu sameeyo Saraakiishii ku dhintay jiidaha dagaalka ee la rumeeysan yahay in Ahmed Godane iyo rag taageersan dhabar ka toogasho ku dileen.
5- In xilalka laga qaado dhamaan Saraakiisha qaabilsan Amniga, Maaliyadda iyo Sirdoonka oo lagu tuhunsan yahay inay u shaqeeyaan qaab beeleed.

Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan uu Magaaladda Baydhabo shalay gelinkii dambe kula yeeshay xubnaha golaha sare ee Marjaca Al-Shabaab.

Dhinaca kale Mukhtaar Rooboow iyo 19 horjooge oo kale oo ka mid ah golaha fulinta Al-shabaab ee ay isku fikirka yihiin Rooboow ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan wada tashiyo ku saabsan sidii ay u samayn lahaayeen urur cusub oo meesha looga saaro ururka Al-Shabaab, kaas oo haatan uu socdo dhisiddiisa iyo magacii loo bixin lahaa iyo siyaasadaha uu ku howl gelayo, wixii kazoo kordha kala soco, SomaliSwiss oo markasta idiin soo bandhigi doonta wixii kusoo kordha Arrimahaas. Halkaan ka aqri warar SomaliSwiss horey ay u daabacday oo arrintaan ka hadlaysa.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: