Militeriga Soomaaliya oo sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan Suuqa Bakaaraha iyo degaanada ku xeeran.

Halkaan ka akhri

Jan. Yuusuf Cabdi Dhegabadan oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka dowladda Soomaaliya, kana mid ah abaanduuliyayaasha ciidamada dowladda ee ka dagaalamaya aagagga ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inay maalmaha soo socda la wareegi doonaan dhammaanba suuqa Bakaaraha iyo degaanada ku xeeran, isla markaasina ay ka xoreyn doonaan kooxaha Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay wiiqeen awoodoodii inteedii badneyd.

Taliye Ku Xigeenka oo u hadlayay Warbaahinta waxa uu ku booriyay ganacsatada suuqa baakaraha inay muujiyaan degenaan isla markaasina ay diidaan ciidamada Al-Shabaab inay rasaas ka soo ridaan agagaaraha goobahooda ganacsiga.

Jan. Yuusuf Dhegabadan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ma rabno inaan waxyeello u geysano goobaha ganacsiga suuqa Bakaaraha, balse waan ku khasbanahay inaan ka jawaabno haddii xabbad nalagu soo rido” wuxuuna intaaku daray in ciidamada Dowladda KMG ah aanay wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka  ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah ayaa dhinaca kale sheegay inaysan dhibaato u geysan doonin suuqa Bakaaraha oo uu sheegay inay ka difaaci doonaan cid kasta ama askari kasta oo isku daya inuu bililiqeysto hantida shacabka, wuxuuna ballanqaaday inay badbaadin doonaan dhammaanba hantida dhex taalla gudaha suuqa bakaaraha.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: