Madaxweyne Sheikh Shariif iyo wakiilka QM. ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa Barqanimadii maanta magaalada Nairoobi kulamo kala duwan kula qaatay Ergaga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

Kulanka uu Madaxweyne Sheikh Shariif la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agoostiino Mahiinga, waxayna ka wadahadleen, xaalada amni daro ee ka taagan dalka iyo sida wax looga qaban karo,  sidoo kale waxa ay ka wada hadleen go’aanadii ka soo baxay shirkii Group Contact iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ay dhawaan ku yeesheen dalka Spain, iyo sidii loo meel marin lahaa, wuxuuna Madaxweyne Shariif Ammaanay doorkii wanaagsanaa ee Wakiilku ka qaatay abaabulkii Shirkaasi, kuna dhamaaday jawi is afgarad wanaagsan leh.

Sidoo kale Madaxweeynaha wuxuu magaalada Nairoobi kulan kula qaatay Wasiirada Arimaha dibada iyo Gaashaandhiga ee wadanka Kenya, waxayna isla soo qaadeen dhibaatada ay ka wadaan Xarakada Al-Shabaab oo xiriirka toos ah la leh Alqaacida geeska Africa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada Dowladood arrimaha la xiriira ammaanka Gobolka, iyo sida Dowlada KMG ah looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto kooxaha Nabad-diidka ah.

Sida aad ka warqabtaan Madaxweeyne Sheikh Sharif oo maalintii shalay gaaray Magaalada Nairobi ayaa wuxuu isla shalay halkaasi kulamo kula qaatay Danjirayaasha  u fadhiya Nairoobi wadamada Sacuudiga, China iyo France, kuwaas oo uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sida Dowladahaas ay taageero dhan walba ah u siin lahaayeen dowlada KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: