Madaxweynaha Ugandha oo ku dhaartay inuu kaligiis ciidamda Amisom gaarsiinayo 20,000.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Ugandha ayaa shalay gelinii dambe ku dhawaaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan u kordhinayo isla markaana dhamaystirayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Soomaaliya oo uu gaarsiin doono 20,000 (labaatan kun) askari.

Warsaxaafadda loogu tala galay oo shalay fiidkii laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo uu saxafadda u akhriyay afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dawlada Uganda ay ciidamo hor leh u soo direyso dalka Somalia si ay qeyb uga noqdaan ciidamada AMISOM ee haatan nabad ilaalinta u jooga dalka Somalia .

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Museveni uu ku yaboohay in ciidamada AMISOM ee Muqdisho uu gaarsiinayo illaa iyo 20,000 oo askari si ay nabad uga dhaliyaan wadanka ay dagaaladu la dageen ee Somalia oo haatan ay ka wada cabsanayaan wadamada gobolku inay usoo tilaabaan colaadahaasi Africa iyo caalamka oo dhan.

Warkaan ayuu soo saaray madaxweynaha Uganda kadib markii uu kulan gaar ah uu la yeeshay golaha amaanka ee Midawga Yurub oo ay uga wada hadleen sida loogu baahan yahay in la saacido ciidamada qaranka Somalia ilaa iyo ay isku filnaasho ka gaarayaan, wuxuuna Musaveni midawga Yurub ugu baaqay inay dhinaca biyaha ka sameeyaan baaritaano ay ku hubinayaan waxa saaran gaadiid badeedka Somalia u soo gudba oo uu sheegay inay mararka qaar hub iyo saanado ciidan u keenaan Al-Shabab.

Dhinaca kale madaxweynaha ugandha ayaa ugu baaqay madaxdii reer Yurub ee uu lakulmay inay sameeyaan Kontrol adag oo dhinaca hawada Somaliya ah si loo xaqiijiyo inaysan ururada Argagixsado isticmaalin hawada Soomaliya.

SomaliSwiss Kambala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: