Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo la sheegay inay la kulmi doonaan Madaxweynaha dalka Uganda.

Halkaan ka akhri

War ay faafisay Wakaalada Wararka AFP ayaa sheegaya in Masuuliyiin dhinaca amaanka ah oo ka kala socda Ururrada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Maraykanka ayaa lagu wadaa in kulamo looga hadlayo xaalada wadanka Soomaaliya ay la qaataan madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musafani.

Hase yeeshee Wararka laga helayo Magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda ayaa sheegaya in masuuliyiin dhinaca amaanka ah oo ka kala socda  Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub lagu wado inay kulan la qaataan madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani kuwaasi oo isla soo hadal qaadi doona xaalada dalka Soomaaliya iyo Suudaan.

Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in masuuliyiintan ay ka wada hadli doono hadal dhawaan ka soo baxay jimciyada quramaha ka dhaxeysa kaasi oo ku aadanaa in ciidamada Uganda ay gabaadfal iyo xad gudbyo ka dhan ah bini’aadanbimada ay ka geystaan dalka Ruwanda taasi oo si weyn ay uga carootay dowladda wadanka Uganda.

Sidoo kale Madaxweynaha wadanka Uganda ayaa horey u sheegay in dowladda Uganda ay ciidamadeeda kala laaban doonto howlaha nabad ilaalinta ee ay ka wadaab Wadamada qaarada Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana masuuliyiintaani ka kala socda Qaramada Midoobay iyo midowga Yurub ay sidii loo dhameyn lahaa arintaasi kala hadlayaan Madaxwyene Yuweri Musafani.

Dhanka kale Susana Reys oo ah safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka mid noqon doonta Madaxda sar sare ee la kulmeysa Madaxweynaha dalka Uganda.

Si kasta ha ahaatee Taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda oo shalay u warmayay wakaalada Wararka AFP ayaa sheegay in dowladda Uganda aysan xiligaan u qorsheysneyn in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, hase yeeshee waxaa  maanta la filayaa ama lagu wadaa in  Wasaarada arimaha dibada ee dalka Uganda ay soo saari doontowar arrintaas xaqiijinaya.

SomaliSwiss  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: