Diyaaradaha dagaalka oo magaalada Kismaayo waardiye adag ku haya iyo horjoogayaasha Al-Shabaab oo isaga cararay.

Halkaan ka akhri

Magaalada Kismaayo iyo Meelaha u dhow ayay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ilaalo adag ka hayeen diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Elakobter, kuwaas oo aan la xaqiijin dowladda iska leh.

Xiriiro kala duwan oo ay SomaliSwiss la samaysay dadka deegaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo ah Helicoptero ay maalin walba dul taagan yihiin magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhow, waxaana la sheegay in mararka qaar ay ku soo noq noqonayaan meelo cayiman oo ay horjoogayaasha Al-Shabaab degan yihiin.

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa isaga baxay magaalada, kaddib markii ay u fahmeen in bartilmaameedka diyaaradaha uu iyaga yahay, waxaana sidoo kale si cabsi badan u jooga maleeshiyaadka oo filanaya in lasoo weerari karo xilli kasta.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyaaraduhu ay ku meereystaan magaalada daafaheeda iyo waliba qeybo kamid ah tuulooyinka hoos taga, iyagoo ku socda joog hoose, waxaa ayna sheegeen in diyaaradahan ay ka soo kacayeen maraakiib dagaal oo taagan badda dhexdeeda.

Diyaaradaha dagaalka qumaatiga u kaca ee dalka Mareykanka ayaa horay duqeyn bartilmaameedsan ugu dilay Salax Cali Nabhaan oo ka tirsanaa Al-Qaacidada geeska Afrika iyo hogaanka sare ee Al-Shabaab.

Somali Swiss Kismayo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: