Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hantiyay dhulkii laga difaaci jiray Suuqa Bakaaraha iyo meelaha u dhow.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Ciidamadda Dowladda KMG Soomaaliya ayaa la wareegay dhul badan oo muhiim u ahaa difaacidda iyo gacan ku haynta Suuqa wayn ee Bakaaraha, kaas oo laf dhabar u ahaa ilaha dhaqaalaha ay ka qaataan xarakada Al-Shabaab, si ay u wadaan dagaalada ay uga soo hor jeedaan dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Goobaha ay gacanta ku dhigeen ciidamda dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxaa ka mid ah, Fagaaraha Tarabuunka, African Village, Kasabalbalaara, Isgoyska Bakaaraha,Warshada Caanaha, xero Ruushka iyo qeybo kale oo kamid ah Jidka dheer ee Warshadaha, waxayna ku sii siqayaan Baar Ubax iyo gudaha Suuqa Bakaaraha oo ay laba jiho uga sii siqayaan.

Meeydadka qaar kamida ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu arkayay iyadoo la jiid jiidayo wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la rumeeysan yahay in jabka Al-Shabaab uu ka dhashay khilaafka loo xal waayay ee ka dhex aloosan koox uu Mukhtaar Roobow horkacayo iyo Axmed Godane oo ay doonayaan inay awoodda ka tuuraan oo isaguna is daafacaya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: