Halkaan ka akhri
Sida la soo sheegayo dagaalo shalay ilaa xalay is dabajooga ahaa  ee ka dhacayey Magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada dad rayid ah oo kor u dhaafaya ilaa 15 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 kale kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah ee aan dagaaladu ku jirin .
Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxay sheegeen inuu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay dagaalo shalay subax ilaa xalay fiidkii ka dhacayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay la safanyihiin AMISOM iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta AL Shababa oo garab ka helayey Ururka Xisbul Islaam.
Sidoo kale dagaaladaas ayaa waxay Saakay dib uga billaabmeen degmada Hodon ee gobolka Banaadir waxaana la sheegayaa in dagaalkaas uu ku fidey Xaafado ay horay ugu sugnaayeen Xoogaga hubaysan, hase ahaatee dagaalkan ayaa saameynta iyo khasaaraha ugu badan wuxuu u geystay  dad rayid ah oo qaarkood deganaa xeryo ay ku barakacsanaayeen.
Dadka deegaanka ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in dagaalkii aroortii hore ka dhacayay agagaarka Isbitaalkii xooga ee degmada Hodon ayaa sii xoogeystay barqanimadii maanta, waxaana la sheegayaa in dagaaladaasi ay ku fideen xaafado u dhow Afrikan Fileej iyo qeybo ka mid ah warshada Caanaha ee degmada Hodon halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda.
Dhanka kale waxay wararku ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii degganaa xaafadaha dagaalku ay ka soconayaan oo saaka ku go’doomay ayaa sheegeen in dagaaladu ay si xun u socdaan islamarkaana ay awoodi waayeen in ay ka baxsadaan goobaha dagaalka.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.