Maxaad ka taqaan hogaamiyaha Al-Shabab Muqtaar Abu Zubayr. (warbixin laga soo uruuriyay noloshiisa oo dhan, Bilow ilaa dhamaad) Qaybta 2-aad

WARBIXIN IYO CODAD DHAGEYSO

Halkaan ka akhri

HALKAAN RIIX SI AAD U AKHRISO QAYBTA 1-aad

Axmad Godane markii uu usoo wareegay dhanka gobollada Koofurta Sooamaliya wuxuu gacan ka helay rag ka tirsanaa horjoogayaasha Al-Shabaab oo uu kamid ahaa Adan Xaashi Faarax Ceyroow.

Axmad Godane, Ceyroow, C/laahi Cali Naxar (Abu Cuteyba) iyo rag kale oo badan ayaa wada aasaasay Xarakada Al-Shabaab, iyagoo Axmad Godane ka dhigay hogaamiyaha ugu sareeya kooxdaas, oo intaan Xarakada Al-Shabaab laysugu wada tegin ka koobneed 3 kooxood oo kale oo kale ahaa; 1- Kooxda Salaaxu-Diin oo ay wada sameesteen Axmad Godane iyo Aden Ceyroow, 2 – Kooxda Raas-Kambooni oo ay lahaayeen Xasan Turki iyo 3 – Koox wadatay Yaaqshiid oo ay isla lahaayeen koox dhallin yaro ah u badnaa reer Yaaqshiid.

Kooxahaas isu tegay ee saddexda ahaa ayaa ku midoobay Al-Shabaab, waxay gudoomiye u doorteen Axmad Godane, taliyaha ciidanka waxaa ay u doorteen Aden Xaashi Cayroow, laakiin markii la dhisay kooxda Al-Shabaab bilo yar ka dib ayaa waxaa dhashay kacdoonkii maxkamadaha islaamka oo ay isla markiiba Al-Shabaab ku biireen, iyagoo noqday garab mileteri oo muhiim u ahaa awoodii maxkamadaha.

Markii ay Al-Shabaab ku biireen midowgii Maxkamadaha, waxaa Axmad Godane loo magacaabay xog hayaha guud ee Maxkamadaha Islaamiga,  wuxuuna Godane, xilkii Al-Shabaab ku wareejiyay nin ay saxiibo dhow iyo qaraabo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Xuseen Caraale oo noqday Hogaamiyaha sare ee Xooxda Al-Shabaab.

Intii Al-Shabaab ay ka mid ahaayeen Midowgii Maxkamadihii Islaamka, wuxuu Axmad Godane, ka mid ahaa madaxda Maxkamadaha, isagoo mar wafdi Sheikh Shariif oo gudoomiyaha Maxkamadaha ahaa u raacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah, Kooxda Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa Axmad Godane kuma faraxsanayn dhalashadii iyo xoogaysigii Maxkamadaha Islaamka, waxayna marar badan ku taliyeen, in la xagal daaciyo Maxkamadaha, taas oo ay xittaa isku dayeen, hase yeeshee  waxaa hadafkaas inuu meel maro diiday qaar ka mid ahaa golaha shuurada Al-Shabaab oo sabab uga dhigay in haddii ay sidaas yeelaan ee ka horyimaadaan Midowgii Maxkamadaha ay la kulmayaan  oo ay ka hor imaanayso mucaaradad Shacab oo xoog badan, taas oo la mid noqon kartay tii Hogaamiye kooxeedyada meesha looga saartay.

Si kastaba hanoqotee, majirin waqti aysan Ragaas Shabaabka ugu sar sareeyay aysan ku fikirsanayn, inay meesha kasaaraan awoodii maxkamadaha, waxayna rumaysan yihiin, dad badan oo Maxkamadihii Islaamiga ka mid ahaa inay Shabaab sabab u ahaayeen oo soo dedejiyeen, soo gelitaankii ciidamda Itoobiya iyo  kala firdhadkii Maxkamdaha, waxayna Madaxdii Maxkamadaha iyo Saraakiishii Al-Shabaab qaarkood xaqiijiyeen in hindisahaas bilowgiisii uu lahaa Axmad Godane.

Markii Itoobiyaanku soo galeen dalka somaaaliya ee Maxkamadihii kala carareen, Xuseen Caraale oo ahaa Hogaamiyihii Al-Shabaab wuxuu ka mid noqday dad u baxay dhinaca Ereteriya, hase yeeshee intii aysan gaarin waxaa Jabuuti ku qabtay ciidamada Argagixiso ladagaalanka Maraykanka ee Geeska Africa ee loo yaqaano (Africom) kuwaas oo Saldhigg ku leh Jabuuti waxay diyaaraddii kala degeen, Caraale iyo Khaliif Cadale oo isaguna ka mid ah horjoogayaasha Shabaabka.

Ciidamda Maraykanku muddo gaaban ka dib waxay iska soo daayeen Qaliif Cadale, iyadoo aan lagaranayn, sababta lagu soo daayay, iyadoo Caraale aan maqalkiis lahayn ilaa iyo hadda, waxaana isla markii H ogaamiyihii Shabaab Xuseen Caraale Maraykanka u gacan galay, xilkii Hogaanka Xarakada mar kale dib ula wareegay Axmad Godane, iyagoo isla markiiba bilaabay dagaallo ismuujin ah maadaama awoodii maxkamadaha ay meesha ka baxday oo riyadoodii u romowday.

Hadaba waa isdee dabeecadda iyo dhaqanka shaqsiyadeed ee Axmad Godane? waxaa nooga sheekeynaya Sheekh C/raxiim Ciise Cadoow oo ay Godane iskala soo shaqeeyeen xafiisyadii Xoghaynta ee Maxkamadihii Islaamka. Halkaan Hoose Riix si aad u maqasho Codka Sh. C/raxiin

Yuu ka bartay  in dadka lagaalaysiiyo amaTakfiirinta iyo xalaalaynta dilka Somalida muslimiinta ah?

Waa kanaa Sheekh Cumar Faaruuq  Cabdi Suldaan oo ka mid ah, culumadii ugu horeysay isal markaana dad badan oo Soomaaliyeed  ay ka faa’iidaysteen baraarugii islaamka, isla markaasna garanaya inta badan culimada soomaaliyeed, isagaana noo sheegaya.Halkaan riix si aad u maqasho codka Sh.Cumar Faaruuq

Xarakaat-kii Islaamiyiinta Godane maka mid ahaa

Waa kanaa Sheekh Cusmaan Macallin Maxammuud oo ka mid ah, kuwa ugu aqoonta badan xarakooyinkii Somalidu ay lahayd, isagaana nooga warramaya. Halkaan Hoose riix si aad u maqasho codka Sh.Cusmaan Macallin

Wadaado Soomaaliyeed oo lagaranayo oo Godane Wax soo baray majiraan mise?

Sheekh Bashiir Axmad Salaad waa wadaadka kaliya ee sheegay inuu Axmad Godane ka mid noqday xertiisa, uuna dhowr mar ku arkay howlihii baraarugga, wuxuuna iska fogeeyay oo sheegay inuu beri ka yahay waxa Axmad Godane Samaynayo oo uusan isagu barin, muslin dilis iyo gaalayn..  Halkaan riix si aad u maqasho codka Sh.Bashiir macallin Salad

Su’aasha ugu muhiimsan ee iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay, Axmad Cabdi Godane, Qof ahaan xaggee kaga jiraa, dhaq dhaqaaqyadii islaamiyiinta ahaa,  mise yaqaanaan culimadii Soomaaliyeed ee baraarugga soo bilaabay lixdamaadkii, wax qabad ama waxbarasho midi ay noqotaba, Sheekh Axmad Cabdi Dhicisoow wuxuu ka mid ahaa dadkii kusoo bar baaray fidinta diinta Islaamka ilaa iyo hadana lugaha kula jira, wuxuuna sheegayaa aqoonta uu  u leeyahay Axmad Godane. Halkaan Hoose Riix si aad u maqasho Sheekh Axmad Cabdi Dhicisoow.

Axmad Cabdi Godane mar uu dhaleeceynayay culimada Soomaaliyeed, gaarahaan kuwa Sacuudiga wax kusoo bartay wuxuu sheegay inay hadda ka hor kala fur fureen Jihaad uu tilmaamay inuu Soomaliya ka socday oo ay waddday xarakadii Al-Itixaad 1990-1998-dii, sidaas darteed Godane oo la dar daarmayay dadka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inaysan dhegaysan culimada Soomaaliyeed oo uu kala mid dhigay wadaadadii Asnaamta ee reer Banuu Israa’iil, wuxuuna yiri. Halkaan Hoose Riix si aad u maqasho codkiisa Axmad Godane iyo Shiikh Cumar Faaruuq oo ka jawabaya hadalkiisa.

Ugu dambayntiina waxaan kusoo gaba gabaynayaa, qaybtaan 2-aad oo ah tii ugu dambeysay ee Taariikhda Axmad Godane, inaan idiin ifiyo, bal sida  Axmad Godane uu u dhaqmo mararka uu xittaa dhex joogo kooxdiisa oo uusan qabin cabsi wayn. Hadaba Axmad Godane waa nin aad isu qariya, wuxuuna necebyahay in la arko muuqaalkiisa, si joogta ah ayuu isu bed bedelaa, isagoo bishiiba laba  mar timaha gaabsada, ama mararka qaarkood sii daystar tima dheer oo raysto ah, halka uu inta badan madaxa ku qarsado cimaamad iyo koofiyad.

In badan oo ka mid ah Saraakiisha hogaamisa Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kuwa badan oo madax ka ah Gobollo iyo degmooyinka ay Xarakadu maamusho mayaqaanaan Muuqaalka Axmad Godane, mana arkin inay codkiisa maqlaaan maahane. DHAMMAAAAAAAD

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: