Beelaha ku dhaqan Hiiraan & Midland oo magaalada Nairobi si aad ah ugu soo dhaweeyay madaxweyne Eng C/qaadir Aadan Jiraabey.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Eng C/qaaddir Aaden Jiraabey oo bishii June ee sanadkan Soomaalida gobalka Hiiraan ee ku dhaqan dalka England ay u caleema saarteen in uu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan and Midland, ayaa shalay galab odayaal dhaqameedyada reer Hiiraan kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Hotelka Barakaat ee magaalada Nairobi, iyadoo madaxweyne  C/qaadir Jiraabey iyo odayaasha ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan maamulka Hiiraan and Midland, iyadoo sidoo kale talooyin dhowr ah oo ku aaddan sidii maamulkaasi loo howl galin lahaa lays dhaafsaday.

Sidoo kale wada tashi dheer kadib ayaa Mudane C/qaaddir Jiraabey waxaa ay odayaasha ku ku booriyeen in uu isu soo taago doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi taas oo dhawaan la qaban doono, waxaana mudane Jiraabey uu aqbalay soo jeedinta odayaasha isagoo sheegay inaanu ka weyneyn talada odayaal dhaqameedka Hiiraan and Midland.

Mudane C/qaaddir Jiraabey oo ka hadlayey arrimaha gobolka Hiiraan wuxuu yiri:  “Waxan isku soo dhaweyn doonaa beelaha reer Hiraan waxaana doonayaa inay walaal-tinnimo ku noolaadaan beelaha gobalka dega” sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kulanka uu la qaatay odayaasha uu ka helay dhiiri galin buuxda.

Dhanka kale waxaa Kulanka ka hadlay nabaddoono sida, Axmed Garre oo kamid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maamul ay ku mideysan yihiin beelaha gobalka dega la sameeyo, isagoo sheegay in mudane C/qaadir Aadan Jiraabey uu yahay shaqsi wax bartay una qalma hogaaminta maamul goboleedka Hiiraan and Midland.

SomaliSwiss   Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: