Xarunata madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed.

Halkaan ka akhri

Waxaa Saakay ila shalay gelinkii danbe  ka sacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya shirar iyo kulamo gar gaar ah oo looga arinsanayo qofka loo dhiibaya xilka Ra’iisul-wasaaranimo.

xildhibano iyo qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadii dhacdya ayaa xalay ila saakay waxa ay ku sugan yihiin aqalka madaxtooyada, hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in madxweynaha uu ka dhageysanaya talooyinka ay u soo jeedinayaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dadka u dhuub daloola Siyaasadda.

Si kasta ha ahaattee go’aanka ugu danbeeya waxaa loga fadhiyaa madaxweynaha somalia inuu kala xusho qofkii uu u soo magacaabi lahaa Ra’iisulwsaarihii hogaamin lahaaa Xukuumada KMG ah.

Balse ilaa hadda ayaa la ogayn halka ay arrintu ay isugu biyo shuban doonto iyo qofka uu Madaxweynaha u dooran doono Xilka Ra’iisul-wasaarenimada

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: