Halkaan ka akhri
Waxaa shalay  magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo iyo duqeymo geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ee uu dhaxeeyay ciidamada dowladda oo garabsanay kuwa AMISOM iyo Xarkada Al Shabaab iyo Xisbul Islaaam oo isku dhinac ah, waxayna dagaaladaas ay  ka dhaceen xaafado badan oo ka tirsan degmnooyinka Hodan, Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee  waxaa saakay laga dareemay degmooyinkaasi deganaansho aan cago xoog badan ku taagneen, inkasatoo xaalada ay tahay mid degan ayaa hadana mararka qaar waxaa la maqlayaa rasaas iyo madaafiic teel teel ah oo ay isku ridaya labada dhinac maadaama ay isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagalameen sidaasi daraadeedna la filankaro in mar kale uu dagaal dhexmaro labada dhinac.
Marka laga soo tago xaalada deganaansho ee saakay waxaa lagu soo warramay inay sii kordhaya qasaarihii ka dhashay dagaaladii shalay ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Balse inta la’ogyahay tirada dadkii shalay ku dhintay dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay Magaalada Muqdiso ayaa saakay la sheegay inay gaarayaan in kabadan 12 qof –halka dhaawucana uu ku dhawaad yahay 34-qof,  kuwaasi oo dhamaantooda ah dad rayid ah oo rasaastii iyo madaafiicdii ay isku ridayeen labada dhinac ay ku haleeshay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmedka deg dega.
Sida la wada ogsoon yahay dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa khasaaraha ugu xanuunka badan ay soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwaasi oo marti u noqotay madaafiicada oo ay isku ridayaan dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.