Halkaan ka akhri
HALKAAN RIIX SI AAD U AKHRISO QAYBTA 2-aad
Hogaamiyaha Al-Shabaab oo Koofurta Somaliya looga yaqaan Muqtaar Abu Zubayr, waa 42 sano Jir ku dhashay Xaafadda Dumbulu ee magaalada Hargaysa sanadkii 1968-dii, Magaciisa runta ah waa Axmad Cabdi Aw Maxamuud Ducaale Warsame Godane.
Waxbarashadiisii hoose ilaa sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Hargaysa, wuxuuna ka baxay  Dugsiga Cumar Bin Khadaab ee magaalada Hargaysa sanadkii 1988-dii;  intii uu yaraa dadka yaqaannay waxay sheegeen inuu ahaa nin deggan oo akhlaaq wanaagsan, arday-dii ay wax isla baranayeenna waxay ku tilmaameen nin aad ugu firfircoonaa xagga waxbarashada oo faham fiicnaa.
Axmad Godane, Aabihii Cabdi Aw Maxamuud ducaale wuxuu dhalay 9 carruur ah, 4 gabdhood iyo 5 wiil, wuxuuna Axmad Godane ahaa caruurtaas kan ugu yar. Aabihii wuxuu dhintay isagoo Axmad yaraa, waxaana hooyadiis dumaalay (guursaday) Adeerkiis Cismaan Aw Maxamuud Godane oo ilmaha soo koriyay.
Ilamaha la dhashay oo dhan waxay kusoo koreen dhanka Miyiga, marka laga reebo isaga iyo 2 wiil oo walaalihiis ah oo magaalada Hargaysa u badnaa, wuxuuna yaraantiisii Hargaysa ka dhigtay Dugsi Quraan, macallinkiisa waxaa lagu magacaabi jiray Macallin Cumar.
Markii ay Dhaceen dagaaladii u dhexeeyay Dowladdii Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM, wuxuu ka mid ahaa dadkii ku noolaa Hargaysa ee dhanka Miyiga u qaxay, wuxuuna muddo ku noolaa magaalada Balli Gubadle oo ku taalla xadka dalka Itoobiya oo xarun u ahayd jabhaddii SNM, hase yeeshee muddo ka dib ayuu u wareegay deegaan kale oo lagu magacaabo Lanqayrta oo ka tirsan dhulka Somaalida Itoobiya haysato ee Kilinka Shanaad.
Intii uu ku noolaa deegaanka Lanqeyrta wuxuu la shaqayn jiray oo uu ka mid ahaa dhallinyaro lashaqaysa gaari uu lahaa nin ay qaraabo ahaayeen oo lagu magacaabo Farduul, kaas oo looga shaqayn jiray Dhuxul la Shido ka dibna loo iib geeyo magaalooyinka, waxayna dhuxusha ay soo shidaan u suuq geyn jireen magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.
Axmad Godane, wuxuu shaqadaas ka tegay markii isaga iyo dhallinyaradii ay wada shaqaynayeen uu dagaal dhex maray koox rag ah oo ka soo jeeday deegaanka Yoocaale ee dalka Itoobiya oo ay isku khilaafeen dhul daaqsin ahaa oo ay doonayeen inay dhuxul ka shidaan, hase yeeshee ay ka hor istaageen nimankii deegaanka reer Yoocaale oo u diiday inay halkaas ka dhuxuleystaan, waxaana dagaal gacan ka hadal ahaa oo labada kooxood dhexmaray ku dhintay nin dadkii deegaanka reer Yoocaale kasoo jeeday.
Axmad Godane dhallinyaradii ay wada shaqaynayeen oo qaarkood hadda joogo, waxay sheegeen inuu Axmad Godane gacantiisa ku dilay ninka ka soo jeeday deegaanka Yoocaale oo ay sheegeen inay isagoo nool qabteen intii dagaalku dhex marayay labada kooxood, ka dibna ay usoo fakadeen dhinaca Hargaysa.
Godane Markii uu kusoo noqday Hargaysa wuxuu dib u bilaabay inuu sii wato Barashada Quraanka, isagoo ka mid ahaa Arday wax ka baranaysay Dugsi lagu magacaabi jiray Madarasatul Falaax oo ay macallimiin ka ahaayeen wadaado dibadaha wax kasoo bartay oo ka tirsanaa xarakadii Al-Itixaad, Muddo markii uu ka tirsanaa madarasadaas ayay is fahmeen macallimiintii oo u sahlay inay ku xiriiriyaan maal qabeen indhoole ah oo reer Sacuudiya, kaas oo xiriir la lahaa, isla markaasna taakulayn jiray Madarasadaas oo ay u waydiiyeen inuu ka caawiyo wax barasho dibadda ah Arday uu ka mid ahaa Axmad Godane.
Maalqabeenkaas  reer Sacuudi ayaa u fududeeyay inuu Axmad Godane, waxbarasho dibaddaa oo heer jaamacadeed ah, ugu baxo wadanka Pakistaan oo looga diyaariyay Jaamacaddii iyo hoygii uu ku noolaan lahaa intuu wax baranayo, haseyeeshee Ardaydii ay wax isla baranayeen waxay sheegeen in Godane, Intii uu jaamacadda dhiganayay waqtiyada fasaxyada uu aadi jiray dhanka Afganistaan oo uu kula soo kulmay dad ka tirsan Alqaacida, isagoo markii dambana xilliga fasaxyada u bixi jiray tababar ciidan inuu soo barto, waana hoosta ka xariiqeen inay tahay halka uu kasoo bilaabay ficillada takfiirnta  ah iyo banaanaysiga in la dilo dad muslim ah.
Markii uu kasoo laabtay Pakistaan ee yimid Hargaysa, wuxuu mar kasta ka sheekayn jiray dadkana ku dhiiri gelin jiray inay waajib tahay in reer galbeedka meeshii lagu arko lagu dilaahi waajib diiniya tahay, isagoo aad isugu dayi jiray in wax yeello loo gaysto dadka howlaha samafalka u yimaada deegaannada Somaliland.
Axmad Godane oo ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo Ku xirnayd  masjidka Sheekh Bilaal oo ay waxna ka dhegaysan jireen, Muxaadarooyinna ka jeedin jireen, waxaa la sheegay inuu halkaas ka jeedin jiray muxaadarooyin u badan takfiirin, sida ay ku warrameen, dad ku sugan Hargaysa iyo qaar ka mid ah dadkii Masjidka ku xirnaa.
Godane intii uu joogay Somaliland wuxuu ka shaqeeyay shirkaddii Barakaat xafiiskeedii Hargaysa, iyadoo markii dambe ee ay xirantay Barakaat uu ka shaqaynayay isla xafiiskiisii hore ee  Shirkaddii lagu bedelay Barakaat ee Telsom Somaliland.
Sanadkii 2003-dii Axmad wuxuu ka mid ahaa koox uu horkacayay Ibraahim Xaaji Meecaad Afgaani oo soo hindistay isla markaana maleegtay fal afduub ahaa oo loo gaystay hay’adda WFP taas oo Booliiska Somaliland ay kasoo bad baadiyeen meel aan ka fogayn magaalada Salaxleey.
Sanadkii 2004 waxaa ka fashilmay Godane, Agqaani iyo koox la shaqaynaysay isku day dil oo loo gaysan rabay nin Swedish muslima ahaa islamarkaana qabay gabar reer Soomaaliland ah oo deganaa xaafadda Calaamadaha, sida ay sheegeen dad badan oo Hargaysa ah iyo maamulka Somaliland.
Inkastoo howlahaas oo dhan ay maleegayeen Axmad Godane iyo Ibraahim Xaaji Meecaad Afgaani, hadana gacanta laguma dhigin oo inta badan kaalinta ay ku lahaayeen waxay ahayd mid farsamo, waxaana fulinayay dhallinyaro iyaga lashaqaynaysay, waxayna Godane iyo kooxdiisa oo uu hogaaminayay xilligaas Ibraahim Afgaani, oo hadda ka tirsan xarakada Al-Shabaab ku guulaysteen inay dilaan gabadhii haysatay isbitaalkii TB-da magaalada Borama iyo dugsiga sare ee Sheekh.
Sanadkii 2005-tii doorashadii golaha deegaanka ee Somalilanad markii ay soo dhowaatay ayay Godane iyo Afgaani, waxay soo abaabuleen koox dhallinyaro ah oo ay horsocdeen 3 nin oo lagu magcaabi jiray Maxamad Ibraahim Axmad (Laba Gumacle), Cabdi Raxmaan Maxamuud Indha cadde iyo jaamac Xuutiye, kuwaas oo loo diray inay falal qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Hargaysa, waxayna soo galeen xaafadda New Hargaysa, hase yeeshee waxaa ka warhelay oo qorshahoodii fashiliyay Booliska Somaliland, ka dib markii uu sheegay mid ka mid ah nimankii qorshaha loo soo dhiibay ee dhallinyarada hogaaminayay oo ahaa Maxamad Ibraahim Axmad (Laba Gumacle) oo ay la xumaatay in ficilkaas lagu fuliyo dad aan waxba galabsan.
Intii laga fashilinayay qorshahaaas oo laga soo qabanayay dhallinyaradii kale maalmo yar ayay Booliisku xabsiga ku hayeen Laba Gumacle, ka dibna waa lasii daayay, wuxuuna soo aaday dhanka Muqdisho oo 2006-dii ay ku dileen kooxda Shabaab, hase yeeshee Raggii  la qabtay ee ay ka go’nayd inay fuliyaan qaraxyada waxaa ka mid ahaa Cabdi Raxmaan Maxamuud Indha cadde oo ilaa iyo hadda u xiran maamulka Somali land.
Xiritaankii Cabdi Raxmaan Maxamuud Indha cadde warbixin uu Booliska Somaliland ka helay isaga  iyo wadashaqayn dhex martay Booliska iyo laba Gumacle waxay soo dedejisay in dhaqsi la ogaado, Howlihii ay wadeen Axmad Godane iyo Ibraahim Afqaan oo ahaa kuwii soo abaabulay falalkaas, waxayna isla markiiba u baxsadeen gobollada koofureed ee Somaliya.
Axmad Godane iyo Ibraahim Meecaad Afqaani, waxaa inay kasoo baxsadaan deegaanada Somaliland oo laga baadi goobayay gacan wayn ku siiyay Maxamad Cabdi Godane, Axmad Walaalkii oo xilligaas ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland.
Kiiskaas uu fakiyay labadaas nin  ayaana xabsi loo dhigay oo uu muddo ugu xirnaa, hayeeshee mar xabsiga qaab damiin ah looga sii daayay ayuu ka fakaday maamulka Somaliland, ka dib-na waa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay, inkastoo goordhow la ogaaday inuu Maxamad Cabdi Godane ku nool yahay mid ka mid ah wadamada reer Yurub.
La soco qaybta 2-aad dhowaantan……….oo ka hadlaysa Markii uu Axmad Godane Muqdisho iyo Gobolada Koofureed yimid, cidii kusoo dhawaysay eek u gacan siisay inuu Gabaad ka helo Muqdisho iyo Gobolada ku dhow, sababta sidaas loo yeelay, iyo aas aaskii Al-Shabaab iyo sidii uu ku bilowday iyo cidda Hindistay, iyo Culimadii dariiqada Al-Itixaadka ka soo jeeday ee Al-Shabaab inay kasoo farcameen la sheego waxa ay ka garanayaan Axmad Godane iyo Haddii ay iyagu wax bareen iyo Waxyaabo kale oo xiiso leh.
Somali Swiss Hargeisa
somaliswiss@hotmail.com
Filed under: Hargeisa Somaliland, Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.