Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay shalay saldhig ka sameysteen Isbtilaakii hore ee xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku yaalay degamada Hodan, waxaana halkaasi xalay weerar ku qaadeen xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sida lagu soo warramay waxaa dagaalka ku geeriyootay Ilaa 10-qof oo rayid ah iyadoo tiro intaasi ka badan way ku dahawacmeen madaafiicdii iyo rasaasti ay is weedaarsanayeen ciidamada AMISOM iyo dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya. Â
Warku wuxuu intaasi ku daryaa in dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku haray degmada Hodan ay bilaabeen saakay in ay isaga barakacan xaafadahoodii waloow ay walaac ka muujiyeen duqeynta madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsaanayan. Â
Inkastoo dagaal iyo duqeymo goos goos ah ayaa saakay waxaa ay ka socdaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaaadir halkaasi oo dhinacyada isaga soo horjeeda Maagaalada Muqdisho ay isku weedaarsanayaan Madaafiic iyadoo aan la ogayn qasaaaraha dhabta ah ee ay  geysteen dagaalada iyo duqeymaha goos gooska ah ee ka  soconaya qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.