Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo sheegay inay la wareegeen fariisimo cusub oo ay horay u joogeen kooxaha mucaaradka.

Halkaan ka akhri

Gaashaanle sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen inay la wareegaan fariisimo cusub oo ay horay u joogeen kooxaha mucaaradka  Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ciidamadeyna waxay gaareen Isbitaalka Xoogga, Xera Ruush ilaa Wersheda Caanaha iyo deegaanada ku hareereysan,halkaasoo ay kooxaha nabad diidka ay shacbiga ka barakiciyeen wadooyinkiina ay gudad waaweyn ka qodeen” wuxuuna intaa raaciyay in xiligan la joogo waqtigii ay kala carari lahaayeen kooxaha diinta ku gambanaya.

Hase ahaatee G/sare C/laahi Xasan Bariise oo wali ka hadlayaa Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyo Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed wuxuu yiri: “Dad ordaaya oo xaq darro ku dagaalamaya weligood ma guuleysan, waxaana u sheegeynaa in aysan gacmaha cilaan noo saarneyn oo aan u sacbineyn”, balse Afhayeenka oo iska fogeeyay in ciidamada dawlada aysan wax madaafiic ridin shacabkana aysan gumaadin sida kooxaha nabad diidka ah.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay waajib tahay in haddii la soo weeraro ay is difaacaan, balse ay jiraan dadaalo lagu dhowrayo shacabka goobaha mucaaradka ku sugan ee waxa laga soo dhex tuuro lana bartilmaameydsan doono oo kaliya goobta wax laga soo rido.

Afhauyeenka ayaa sheegay in amarka la siiyey uu yahay in aan iska daacna kooxaha Mucaaradka wuxuu yiri: “Annagu waxaa nala siiyay amar difaac oo kaliya, balse haddii talaabo intaas dhaafsiisan aan helno waxaan shaki ku jirin in aan dhabrka ka jabin doono kooxaha qaswadayaasha ah ee marka la dhibaateeyo shacabka ku garaaca hoobiyaalka”.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: