Wasiirka arrimaha dibada dowladda KMG Soomaaliya oo rajo weyn ka muujiyay soo dhameystirada ciidamada AMISOM.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg)  oo haatan ah Sii hayaha xilkaas  ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in dhowaan la soo dhameystiro Ciidamada nabad ilaalinta, isagoo dhinaca kale dhaliilay Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa in muddo ahba rajadeeda ahayd in  la soo dhameystiro Ciidamada Midowga Afrika ee ka jooga Soomaaliya, hase ahaatee  kadib markii dhowaan Dowladdo dhowr ah ay balan qaadeen in Ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ay rajo fiican ka miijisay keenista Ciidamadaas.

Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiri doono Ciidamadaas, isagoo tilmaamay in Ciidamada la soo wado ay ku biiri doonaan kuwa AMISOM ee haatan nabad ilaalinta u jooga Muqdisho, sidoo kale wuxuu intaas uu raaciyey in Ciidamada Midowga Afrika u soo dirayaan Soomaaliya ay qaarkood diyaar yihiin, isla markaana kaliya ka dhiman yihiin taageero dhaqaale iyo saanadooda sida uu hadalka u dhigay.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG ayaa ka dalbatay Midowga Afrika iyo Beesha Caalamkuba in la soo kordhiyo Ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo shirarkii ka dhacay New York iyo Madrid lagu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika la gaarsiiyo 20-kun askari.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: