Tacsi Tiiraanyo Leh oo Ku Socota Qoyskii iyo Ehellada Marxuum Nabadoon Maxmed Kulmiye Maayle (Madaxkoor)

Halkaan ka Akhri

Dhamaan Jaalliyadda Beesha Gaaljecel  ee ku nool wadanka Switzerland waxay Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaan dhamaan Jaaliyadaha Beesha Gaaljecel  Ee Ku Nool Dibaddaha iyo Guddaha Wadanka Soomaaliya  Si gaar ahna waxay  Tacsi ugu dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Marxuum Nabadoon Maxmed Kulmiye Maayle (Madaxkoor) oo Maanta oo ay taariikhdu ahayd  02/10/2010 ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Hadaba Jaaliyadda oo Ku Raali Ah Qadarka Alle Ayaa Tiiraanyada La Wadaagaysa tacsi qaas ahna  u diraysa Xaaskii iyo Carurtii uu ka tagay  Marxuumkas,  isagana waxay Jaaliyaddu Alle Uga Baryaysaa inuu Janaddii Firdowso Alle Ka Waraabiyo Aamiin)

Waxaa Tacsiyadan Diraya iyagoo Ku Hadlaya Magaca Dhamaan Jaaliyadda Beesha G/jecel Ee Ku Dhaqan Wadanka Switzerland odayaasha Kala Ah

  Maxamuud Maxamad Baandow

  Aadan Ibraahim  (Garsuus)

  Sheikh Axmad Maxamad Aadan

  Yusuf Cumar Xareed  (Dopio)

  C/raxman Maxamad Xaaji Cali

  C/raxmaan Maxamad (Karakuus)

  Dr. Axmad Dhicisow Daa,uud

  Dr. C/qaadir Ibraahim Raage

SomaliSwiss  Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: