Maxakamadda Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo oo shalay fulisay Xukun muran ka dhex dhaliyay Maamulka magaaladaas iyo Shacabka.

Halkaan ka akhri

Maxakamadda xarakada Al-Shabaab ee magaalada Kismayo ayaa shalay fulisay xukun muran ka dhaliyay gudaha magaaladaasi oo ahaa in askari Al-Shabaab ka tirsan oo fal xatooyo ah gaystay lagu xakumi waayay gacan goyn.

Gudoomiyaha xarakada Al-Shabaab ee magalada Kismaayo Sheikh Xasan Yacquub Cali ayaa diiday in xukun gacmo jaris ah lagu fuluiyo askari  ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah, isla markaana Qori nuuca AK-47 ah ka xaday gurigiisa.

Muaran ka dhashay arrintaas ah inaan gacmaha laga goyn karin askarigaas ayaa  ka caraysiiyay qaar ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee magaaladaasi iyo madaxda Gobolka qaarkood, kaasoo markii dambe xaal mastuur lagu dhameyay in askariga qoriga ka xaday aan gacmaha laga goyn laakiin bedelkeeda lagu xakumo 37 karbaash oo lagula dhufto meel fagaare ah.

Qaaliga Maxkamada Al-Shabaab oo shalay ka hadlay beerta xuriyada magaalada Kismaayo oo aheyd  halka xukunka tacsiirta ah lagula fuliyey Bashiir Aadn Barre ayaa sheegay in maxkamadu go’aamisay in askarigaas xatooyada kula dhaqaaqay guriga Gudoomiyaha Al-Shabaab ee magalada Kismaayo Sheikh Yacquub Maxkamadu ku xukuntay 37 karbaash iyo  todobo maalmood oo xarig ah, taas oo ka caraysiisay dadkii fagaaraha ka daawanayay, kuwaas oo qaarkood eheladooda horey looga jaray gacmaha iyo lugaha iyadoo lagu soo eedeeyay wax ka qiimo yar waxa ninkaasi xaday.

Dhanka kale isla fagaarahaas ayaa waxaa xukun 45 karbaash ah  lagula dhuftay laba nin oo kale oo mid lagu eedeeyay inuu gabar meher qarsaday (Qudbasireystay), halka midka kalena lagu eedeeyay inuu cabayey Sigaar.

Si kasta ha ahaatee, waxaa dadka magaalada Kismaayo ka caraysiiyay in Wiil Sigaar cabay uu ka ciqaab badan yahay Tuug qori xaday, iyadoo dadka caadiga ah haddii lagu soo eedeeyo inay wax xadeen lagu xakumo gacmo iyo lugo goyn, halka askariga Al-Shabaab ka tirsan lagu dhuftay 37 karbaash, iyadoo wiilka Sigaarka cabayay lagu xukumay 45 karbaash.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: