Dowladda Uganda oo ka carootay warbixin ay QM. soo bandhigtay oo ah in ciidamada Uganda ay xasuuq ka geysteen dalka Kongo.

Halkaan ka akhri

Dorraat oo  khamiista ahayd ayaa waxay Qaramada Midoobay soo bandhigtay warqad qoraal ah oo ku saabsan in ciidamada Ugandha ee jooga Dalka Congo Xasuuq fara badan ka geysteen.

Hase yeeshee Sarkaal sare oo u hadlay Dowladda Ugandha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Qaramada Midoobey in ay soo bandhigto warqad qoraal dicaayad ah taasoo ku saabsan Dalalka Ugandha iyo Ruwanda in ay xasuuq ka geysteen Wadanka Congo.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Qorshahan waxa uu horseedayaa in ciidamadeenu kala baxno Dalalka Soomaaliya iyo Congo oo ay ka wadaan howlgalo la xiriira Amaanka Soomaaliya si nabad ugu soo dabaalaan” wuxuuna Sarkaalkan sare oo u hadlay Dowladda Ugandha ayaa si aad ah uga carooday warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobey Maalintii khamiista ahayd.

Haddalkan ayaa imaanaya xili warbixin dheer oo looga hadlayo xasuuqa Ciidamada Ugandha ka geysteen Dalka Congo  ay soo saartay Qaramada Midoobay, warbixintaasi oo ka caraysiisay Dowladda Ugandha oo Ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: