Cumar Faaruuq Cismaan oo mar kale ku guulaystay in uu hoggaamiyo ururka suxufiyiinta Bariga Afrika.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

This slideshow requires JavaScript.

Cumar Faaruuq Cismaan, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo Xoghaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA kadib Kulan Guud oo maanta ka dhacay magaalda Djibouti ee xarunta dalka Djibouti.

Ergooyin ka kala socday dalalka Kenya, Rwanda, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Seychelles, Somalia, Uganda iyo Tanzania oo ka mida dalalka ku midaysan urur goboleedka EAJA ayaa Cumar Faaruuq u doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud seddexda Sano ee socda.

Cumar Faaruuq oo qudbad ka jeediyay shirka markii la doortay asaga oo aan lala tartamin kaddib ayaa sheegay in ay sii labalaabi doonaan dadaalkooda ku aadan hormarinta suxufiyiinta bariga Afrika.Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in ururka EAJA oo uu hoggaankiisa qabtay seddex sano ka hor uu wax wayn ka qabtay hormarka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo intii uu hoggaanka hayay ay ka dhalatay fikradda ah in la dhiso Uryurka Suxufiyiinta Afrika ee Federation of African Journalists (FAJ).

Doorashadan oo ay korjoogto ka ahaayeen wufuud ka socotay ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ iyo Ururka Suxufiyiinta Afrika ee FAJ ayaa Dr.Muheldin Ahmed Idris oo ah guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Suudaan ayaa isna loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika, iyadoo qasnajiga Ururka loo doortay Safari Gaspar oo ka soo jeeda dalka Rwanda halka Guddoomiye ku xigeen loo doortay Alexandre Niyungeko oo ah guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Burundi. Doorashada waxaa ka qaybgalay Mustafe Cabdi Ciise (Mustaf Shiine) oo hoggaamiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Shirkan ayaa maalintii Shalay ka furmay Hotelka Kempinski ee dalka Djibouti waxaana la soo gabangabayn doonaa maalinta Axadda ah. Shirka waxaa sidoo kale looga hadlaya qorshe howleedka urur goboleedkan oo mataanaha la ah ururka IGAD ee ay xaruntiisu tahay magaalada Djibouti.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: