Xoghayaha guud ee Booliska Caalamiga ah oo caddeeyey in Al-Shabaab ay ka qatar badan yihiin Al Qaacidada ka dagaalanta Afghanistan.

Halkaan ka akhri  

Xoghayaha guud Boliiska Caalamiga ah ee loo yaqaano Interpol Rnaldo K. NOPLE ayaa wuxuu si caddaan ah u muujiyey in Al qaacidada ka dagaalanta Afrika gaar ahaan Xarakada Al Shaabab oo la sheegay in ay ka Qatar badan yihiin Al Qaacidada ka dagaalanta Afghanistan, wuxuuna  sheegay in loo baahan yahay in laga hortago..

Rnaldo K. NOPLE oo ah Xoghayaha guud Boliiska Caalamiga ah oo shalay u waramayey Wakaaladaa wararka ee Mareykanka oo magaaceeda loosoo gaabiyo AP ayaa sheegay in Islaamiyiinta ka dagaalama Woqooyiga Afrika iyo Soomaaliya ay qatar ku yihiin amaanka Bariga Afrika, wuxuuna intaasi ku daray in haddii aan laga hortagin uu Caalamku intiisa kale  ay soo food saari doonto qatar culus ku sii 5-ta Sano ilaa 10-sano ee soo socda.  

Sidoo kale Rnaldo K. NOPLE oo ku sugan Magaalada Brussels ee Xarunta wadanka Belgium-ka  ayaa waxaa uu ka hadlay kulan looga hadlayay amaanka Qaarada Afrika iyo qatarta Argigixisada geeska Afrika, waxaana uu sheegay in Ururka Al Shabaab ay si kordhinayeen weeraradooda ka dhanka ah Hay’adaha gar gaarka, Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM tan iyo waxii ka dambeeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda oo ay ku geeriyoodeen 76qof iyadoo qaraxyadasasi ay Mas’uuliyadooda sheegteen Al Shabaab.  

Si kasta ha ahaatee Xoghayaha guud Boliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa Wuxuu cabsi weyn ka muujiyey Al Qaacidada oo ku soo fidayso Qaarada Afrika gaar ahaan dhulka lama degaanka Sahara galbeed sida Mauritania, Mali, Niger iyo Algeria, wuxuuna caddeeyey in interpol ay il gaar ah ku hayso, balse Caalamku looga baahan yahay inay iska kaashadaan ka hortagga qatarta ku soo food leh.

SomaliSwiss   Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: