Xarakada Al-Shabaab oo u kala jabtay garabka Abuu Mansuur iyo garabka Abuu Zubayr (Warbixin Faah Faahsan).

Halkaan ka akhri

Shirar la doonayay in lagu dhameeyo Khilaaf in mudo ah ka dhex taagnaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamuud (Godane) Abuu Zubayr iyo 15 ka mid ah madaxda sare ee xarakadaas oo ay isku fakir yihiin ku xigeenka Godane, Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa lagu kala faataxaystay kadib markii uu guuldaro ku dhamaaday shirkaasi madaxda xarakada uga socday mudooyinkaan gobollada Bay, Jubooyinka iyo Shabeelada Hoose.

Halkaan ka akhriso Warar hore Somali Swiss u qortay oo kuu faah faahinaya, nuuca qilaafka, dadka is haya iyo waxa laysku haysto.

Sida ay SomaliSwiss ugu sir warrameen ilo xog ogaal ah oo codsaday inaan magacooda qarinno oo lasocday horjoogayaasha Xarakada Al-Shabaab ee arrimaha heshiisiinta ku mashquulsanaa, waxaa maalintii Talaadada ahayd gelinkii dambe laysku mari waayay shir ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ilo wareed yadaas waxay SomaliSwiss u sheegeen, inuu Axmad Godane diiday dalab ay u jeediyeen 16 ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab  oo gaaraya 42, kuwaas oo ku adkaystay inuu xilka xarakada wareejiyo, ka dib markii ay ku eedeeyen arrimo kala duwan oo ay sheegeen inay kalliftay inaysan xilkaas ku aamin Karin hogaamiyaha xarakda.

Wararku wuxuu sheegayan in shirkaas lagu kala tegaymarkii lagu heshiin waayay, waxaana magaalada Marka isaga tegay Abuu Mansuur iyo Wafdi uu hogaaminayo oo hore usii qaatay maleeshiyo kusoo dhaawacantay dagaalkii Muqdisho oo yiillay deegaanno ka tirsan Marka iyo Shabeelada Hoose, waxayna qabten dhanka Baydhabo oo ay hadda ku sugan yihiin.

Hogaamiyaha Al-Shabaab Abu Zubayr ayaa bixitaankii Rooboow ka dib la hadlay saraakiishii kale ee ku hartay isaga, wuxuuna u sheegay inuu xilkii ka qaaday Muqtaar Rooboow, isla markaasna uusan ka mid ahayn Hogaanka Al-shabaab wixii xilligaas ka dambeeya, hase yeeshee, Ibraahim Afqaani oo Godane ka dib hadlay ayaa isaguna Rooboow ku tilmaamay nin xukun iyo qabyaalad madax martay oo aan jihaad wadin, wuxuuna ku taliyay inay wax haboon tahay tagitaanka isaga iyo kooxda ku fakir ah.

Muqtaar Rooboow oo isaguna markii uu magaalada Baydhabo gaaray ka dib shalay kula hadlayay qaar ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka amar qaadata isaga, gacantana ku haya maamulka gobolladaas ayaa u sheegay in 109 sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsanaa, oo dhaawacyo halis ah kasoo gaareen dagaaladii magaalda Muqdisho  Axmad Godane dilay oo dhaawacoodii la dhamys tiray, amarkaas-na uu bixiyay Abuu Zubayr.

“Waxaa jirtay in muddo ah cadaalad darro la ii sheegayay oo maalin kasta laygaga dacwoonayay, taas oo aan la’ aamusnaa, laakiin hadda waan idiin sheegayaa” ayuu yiri Abuu Mansuur oo hadalkiisa ku sii daray “waxaan soo xaqiijiyay oo marqaati idin kugu filan Sheekh Ayuub, Taliyahii Mujaahidiinta Barriga Bay ee ku dhaawacmay dagaaladii Muqdisho ee aan warkiisa waynay, markii aan daba galay waxaa la ii sheegay in la dhameeystiray dhaawiciisa, Amiirka ninkaad u taqaanaan ee Axmed Godane ayaan waydiiyay, wuxuuna iigu jawaabay, ‘Sheekh Ayuub iyo 108 mujaahid oo kale markaan aragnay inuu aad u liito xaalkoodu ayaan Shahaadadooda u fududeynay”. ayuu Rooboow ku calool jilicsaday Maleeshiyadii uu la hadlayay isagoo malaha u tilmaamayay nin ay garanayeen oo iyaga taliye u ahaa hase yeeshe la dilay.

Mukhtaar Rooboow ayaa Godane ku eedeeyay, nin ka weekday cadaaladda, wuxuuna ku tilmaamay nin ku socda dhanka qabyaaladda,  isagoo ku dhaartay inaan dib xittaa looga sugayn Abuu Zubayr iyo kooxda ku fikirka ah wax cadaalad ku dhisan oo uusan sheegin nuuca uu ula jeedo.

Fu’aad Shongala oo ka mid ahaa dadkii ay isku fikirka Dhowaayeen Muqtaar Rooboow, hase yeeshee u muuqday nin aan u xanaaqsanayn sida Rooboow ayaa Rooboow ka dib la hadlay maleeshiyadii Al-Shabaab wuxuuna ku yiri “Dagaal Mujaahidiinta dhexdooda ah ayaa laga yaabaa inuu bilaawdo, dagaalkaas haduu bilaawdo waa fitno, yaan laga qeyb qaadan, qof kasta reerkiisa ha aado, haddii arrintaasi dhacdo”.

Saraakiisha Al-Shabaab ee ka boodsan hogaanka Axmad Godane ayaa farmuuqaya inay ku arkeen wax ay ku tilmaameen qabyaalad qaawan, iygoo carabka ku dhuftay, inuu dhowaanahaan intii muranku socday u magacaabay madaxda ugu sareeysa Amniyaadka(kuwa dilalaka qorshaysan), dhaqaalaha iyo gaashaandhiga Saraakiil reerkiisa ah sida Ibraahim Meecaad Afkhani, Maxamuud Maxamad Nuur (Faruur) iyo nin kale oo lagu magacabo Caraale.

Lama oga sida xaalku noqon doono, hase yeeshee, waxaa muuqata in Xarakda Al-shabaab oo markii horeba dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah dilayay, isla markaana gaalaynayay, ay u kala jebeyaan Laba kooxood iyadoo ay iska caddahay inaan waxba la qarinayn wixii haatan ka dambeeya oo ay fagaara yaasha iska caynayaan.

Axmad Godane oo waraysi siiyay Isniintii lasoo dhaafay Majaladda Time ee lamataanka ah telefishinka CNN ayaan qarsan khilaafka kooxda dhexdeeda ah, isagoo qiray afkiisa ka sheegay Abu Zubayr inuu goob jog u ahaa markii weerar diyaaradi ku qaadday Guri degmada Marka ku yaalla ay rasaas ku furtay Axaddii ina dhaaftay, isagoo shaaciyay in ay gurigaas ku shirsanaayeen 7 ka mid ah saraakiisha sar sare ee xarakada oo Godane tilmaamay inay halkaas u joogeen dhex dhexaadinta isaga iyo Abuu Mansuur oo uu sheegay inay isku hayaan maamulka Xarakada Al-Shabaab. Halkaan ka aqri Waraysiga Godane bixiyay.

Somali Swiss London

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: