Masawirka Maanta ee Godane (Run mise Been)

Hoos Ka Akhri warbixin iyo masawirro kale

Muuqaalkaan waxaa internet-ka soo geliyay, qaar ka mid ah website-yada Soomaalida oo aaminsan inuu yahay muuqaalka Axmad Godane, Hogaamiyaha Al-Shabaab, iyagoo malaha rumeestay magaca ku dul qoran ee ah Godane Al-Shabaab oo sida muuqata qof wax ku qaldaya uu internetka geliyay, laakiin baaritaan ay ku samaysay SomaliSwiss ayay ku ogaatay inuu yahay askari dhowaan kasoo goosatay Alshabaab.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Pakistan)

Maxamad Pakistaani wuxuu Shabaab u dagaalamayay ilaa iyo 2006-dii, Wuxuu sheegay inuu la kulmay marar badan Hogaamiyaha Xarakada Alshabaab ee loogu yeero  Mukhtaar Abuu Zuber, balse magaciisa runta ah uu yahay  Axmed Cabdi Godane. Masawirka kore ee loo haysto inuu yahay Axmad Godane waxaa laga soo gooyay muuqaalkaan hoose oo ah Orijinaalkii, waxaana lagu sawiray gudaha madaxtooyada markii ay soo goosteen.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Pakistani) iyo Shuuke C/raxmaan Odawaa.

 Al-Shabaab                                                                                         Xisbul Islaam

 

%d bloggers like this: