Amiirka Al-Shabaab Axmad Godane oo Maraykanka u sheegay inuu ka bad baaday weerar diyaarad ay ku qaaday guri uu ku sugnaa isaga iyo madax kale (Waraysi).

Halkaan ka Akhri

Axmad Cabdi Aw Godane (Abu Zubeyr) oo ah hogaamiyaha Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo waraysi siiyay Isniinta ina dhaaftay Majaladda Time oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegay  inuu goob jog u ahaa oo indhihiisa ku arkayay gantaal diyaarad Helicopter ah ay ku dhufatay guri ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose oo ay ku shirsanayeen 7 ka mid ah madaxda ugu sareysa Xarakada Al-Shabaab.

“Waan daawanayay markii diyaaradda oo midabkeedu iila muuqday Cagaar ama midabka cagaar Boor xigeen ah ay wareeg ku samaysay magaalda dusheeda, ka dibna ay guriga rasaas xooggan ku furtay” ayuu yiri Axmad Godane oo tilmaamay inay gurigaas oo uu lahaa nin ka tirsan horjoogayaasha xarakada ay ku sugnaayeen 7 ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab oo uu sheegay inuu ka socday shir lagu heshiisiinayay isaga Godane ah  iyo Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo uu qiray inuu u dhexeeyo khilaaf xagga maamulka kooxda ah oo ay isku hayaan.

Axmad Godane oo sheegay in diyaaraddaas markii ay guriga rasaas xoog badan ku furtay ka dib 20 daqiiqo ay dul wareegaysay magaalda Marka hase yeeshee ka dib u dhaqaaqday dhanka Badda ayaa diiday inuu sheego qasaaraha soo gaaray Madaxdii guriga ku sugneed iyo haddii masuuliyiintii ku shirsanaa dhinteen ama dhaawacmeen.

Abu Zubayr ayaa Time Magazine oo ah jariidad maraykanka laga leeyahay, isla markaana lamataan ah TV-ga CNN  wuxuu u sheegay inuusan doonayn inuu ka hadlo qasaarihii dhacay, laakiin markii arrintaasi dhacday ay xireen magaalda Marka oo aysan jirin wax ka baxay iyo wax soo  galay, wuxuuna tilmaamay inay baarayaan dad ay uga shakisan yihiin inay Mobile ku hagayeen diyaaraddaas, isagoo cadeeyay inay gooyeen dhammaan isgaarsiintii magalda Marka, haddana magaaladu ay lama galaan tahay ilaa amar dambe.

Axmad Godane oo la waydiiyay meelaha ay dhaqaale ka helaan ayaa sheegay inay meelo fara badan ka helaan dhaqaale, wuxuu carrabka ku dhuftay inay jiraan Muslimiin taajiriin ah oo lacago siiya, sidoo kalena ay jiraan dad taageera iyaga dhaqaalana siiya oo ku baahsan dunida oo dhan, isagoo xusay in kaalmaati kalena ay kasoo galaan dekadaha gudaha ay maamulaan sida Kismaayo iyo canshuuro ay ka qaadaan ganacsato.

Amiirka Al-Shabaab wuxuu aad uga weeraray siyaasada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo uu sheegay inuu ku guul daraystay inuu Shabaab ka adkaado, wuxuuna ku goodiyay inaysan goor dhow ahayn marka Maraykan uu ka guulaysanayo Al-shabaab.

Axadii lasoo dhaafay ee 26/09/2010, abaarihii 12:30 duhurnimo ee waqtiga Soomaliya ayay diyaarad Helicopter ahayd oo aan lagaran ilaa iyo hadda cidda iska leheyd, waxay gantaal weerartay guri ku yaal magala madaxda gobolka Shabeelada Hoose ee Marka oo ay  ku shirsanaayeen, 7 ka mid ah hogaamiye-yaasha kooxda Shabaabka ugu sareeya, hase yeeshee waxaa iska diiday inay diyaaraddaas lahaayeen, Maraykanka, Europe iyo Amisom. Halkaan ka aqri Waraysigii Majaladdu layeelatay Godane  oo English ah.

Somali Swiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: