Warsaxaafadeed ay soo saareen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee G/Banaadir oo lagu sheegay inay la shaqeyn doonaan Dowladda KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Shir ay yeesheen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee G/Banaadir ayaa la sheegay in  looga hadlay warar sheegayey in xoogagga Ahlu Sunna ay ka baxeen heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda KMG ah, sidaas darteed dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay shirkooda u akhriyey warbaahinta sida uu ahaa go’aankooda  Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir Sheikh C/qaadir Macallim Nuur.

Sheikh C/qaadir Macallim Nuur oo akhrinayey Bayaankooda wuxuu yiri: “Waxaan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Ahlu Sunna Waljameeca ay si buuxda u taageereyso u lana shaqeyneyso hoggaanka sare ee Dowladda cusub ee la soo magacaabi doono” wuxuuna Guddoomiyuhu ugu baaqay cidii wax tabaneysa inay wax ku raadiso wadahadal iyo qaab nabadeed.

Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir ee Ahlu Sunna Sheikh C/qaadir Macallim Nuur ayaa sheegay in hadafka Ahlu Sunna uu mid yahay isla markaasina aysan kala qeybsaneyn oo iyaga iyo Dowladda ay ku mideysan yihiin kahortagga kooxaha uu ku tilmaamay khawaarijta iyo argagixisada dalka, dadka iyo diinta dhibaatada ku heysa.

Si kasta ha ahaatee Bayaanka  uu warbaahinta ka akhriyey Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ee G/Banaadir ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan maamulka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel uu sheegay bishii Maarso ee sanadkan inay ka baxeen heshiiskii Dowladda KMG ah iyo taageeradii ay u hayeenba, waxayna Dowladda ay ku eedeeyeen inaysan daacad ka ahayn meel marinta heshiiska.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: