Dowladda Spain oo Malaayiin Euro u ballan qaaday dowladda KMG Soomaaliya.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Madaxweryne Sheikh Shariif & Wasiirka Arimaha Dibada  dalka Spain

Dowladda Spain ayaa dowladda KMG Soomaaliya ugu deeqday lacag gareysay 3 Milyan oo Euro intii lagu guda jiray shirka kooxda xriirka caalamiga ah ee ICG, Waxaana deeqdaas uga mahad celiyay Spain Madaxweyne Sheikh Shariif oo si kala gooni gooni ah ula kulmay wasaaradaha dowladda Spain ee Arimaha dibadda iyo gaashaan dhigga, halka uu Maanta la ballansan yahay oo uu la kulmo Ra’isal wasaaraha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Spain Miguel Ángel Moratinos ayay ka  wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida xal waara loogu heli karo mashaakilaadka ka jira Soomaaliya. Miguel Ángel Moratinos ayaa Dowladda KMG ugu deeqday 3 Milyan oo Euro si loogu taageero howlaha dowladda iyo dhisidda ciidmada Ilaalada badda Soomaaliya si wax loga qabto ammaan darrada ka taagan biyaha Soomaaliya.

Dhaqaalahaan ayaa loo qorsheeyay in lagu hormariyo Kalluumeysatada Soomaaliya iyo waliba dayactirka markab weyn oo ay leedahay Soomaaliya oo yaalla dalka Spain.Ka sockoow deeqdaan Spain ka qeyb galayaasha shirka ayaa si wada jir ah u muujiyay sida loogu baahan yahay in la taageero dowladda KMG Soomaaliya si looga saaro dalka marxaladda adage e uu ku jiro.

Sheikh sharif iyo Carme Chacon

Sidoo kale Madaxweynaha Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta booqday wasaaradda gaashaandhigga Spain, halkaasoo ay kusoo dhaweysay wasiiradda difaaca dalkaasi Carme Chacon oo kusoo warejisay wasaaradaasi ay maamusho.

Sheikh sharif iyo Carme Chacon wada socda

Sheikh Shariif ayaa dalka Spain ku jooga booqasho laba maalmood ah taasoo la xiriirta shir uga furmay magaalada Madrid kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya.

Sheikh sharif iyo Carme Chacon oo sii gelaya xafiiskeeda

SomaliSwiss Madrid

Somaliswiss@hotmail.com


%d bloggers like this: