Natiijada kasoo baxday Shirkii ay Spain kulahaayeen dowladaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Shir socday laba maalmood oo ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain, loogana hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray war saxaafadda loogu tala galay oo nuxurkiisu ka koobnaa toddoba qodob. Halkaan ka akhri Warkan oo English ah

Qoraalkan  ayaa looga dalbaday dowladda KMG Soomaaliya in ay muddo  2 bilood ah kusoo gabagabeyso qorshe looga baxayo xiliga KMG ah ee dowladdu ay haatan ku shaqeyso, ayna qorshahaasi si dhaqso ah ku fuliso. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah ee dowladda uu ku eg-yahay 20-ka August 2011, iyadoo hay’adaha xukuumadda laga codsaday in ay howshooda KMG ah kusoo gabagabeeyaan muddada yar ee u haray.

War saxaafadeedka waxaa looga codsaday dowladda Soomaaliya in ay dhameys tirto dastuurka qabyada ah ee cusub, si shacabka Soomaaliyeed ay uga baxaan xilliga KMG ah ee dowladda ay ku shaqeyso.

Waxaa sidoo kale qoraalkan lagu xusay in dowladda ay xoojiso dib u heshiisiintii lagu gaaray dalka Jabuuti, ayna la hadasho kooxaha kasoo horjeeda si ay ugu soo biiriso hannaanka dowladeed.

Waxaa la isku raacay in la xoojiyo ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, lana gaarsiiyo tiradoodi aheyd 8,000-askari, muddo koobanna lagu gaarsiiyo 20,000-askari.

Howlaha la dagaalanka Burcad badeedka Soomaaliya ayaa la dalbaday in la xoojiyo, iyadoo la codsaday in la tababaro ciidammada badda Soomaaliya si ay uga qayb qaataan la dagaalanka burcad badeedda.

Sidoo kale waxaa laga dalbaday beesha Caalamka in ay xoojiyaan taageerada ay siinayaan dowladda KMG Soomaaliya, ayna la xisaab tamaan hay’adaha dowladda si loo ogaado halka uu ku baxo dhaqaalaha la siiyo.

Waxaa sidoo kale qoraalka shirka kamid ahaa in la kordhiyo gargaarka bani’aadamnimo ee shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyo in la difaaco nabadgalyadooda, sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay in la joogteeyo diiwaan gelinta tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabayo Ra’isal wasaare cusub, sidoo kalena uu wadahadallo la furayo kooxaha mucaaradka kasoo horjeeda.

Shirkan shirka xiga ayaa la qaban doonaa Feb 2011.

Waxaa dhamaadkii shirkaasi ka hadlay wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Augustine P. Mahiga, waxaa uuna uga mahadceliyay dowladda Spain  sida ay u marti gelisay shirkaasi, waxaana ka qayb galay in ka badan 45-dowladood oo daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururro caalami ah sida:-Algeria, Austria, Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Republic of Korea, Malaysia, Norway, Russian Federation, Somalia, South Africa, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Tanzania, Turkey, Uganda, UK, USA, Yemen, African Union, European Union, IGAD, League of Arab States, NATO, Organization of the Islamic Conference, the World Bank, and the United Nations.

SomaliSwiss Madrid

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: