Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo dhoolatus ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhri

Ciidamoo ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan muddaba Tababaro xeelada dagaal ku qaadanayey meel aan ka fogeyn magaalada, ayaa la sheegay in loo soo gabagabeeyay tababarkooda, waxayna halkaas  ka sameeyeen Dhoolatus ciidan.

Sheikh Yuusuf Cali Ugaas 00 ah horjoogaha Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan oo ka hadlayay goobtii ay ciidamada ku soo bandhigeen dhoolatuska ayaa sheegay in 11-xubnood oo ka tirsan ciidamadaasi ay muujiyeen dadaal dheeri ah iyagoo ku guuleystay laguna abaal mariyey lacago aan la shaacin cadadooda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamada tababar soo qaatay  ay ahaayeen kuwii dhowaan weeraray deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac. Iyadoo maamulka Al-Shabaab ee magaalada Baladweyne ay ku eedeeyeen in goobtaasi ay ku sugnaayeen dad ay ku tilmaameen daba dhilifyada dowladda KMG Soomaaliya  iyo cadowga Ethiopia.

Si kasta ha ahaatee muddooyinkan dambe degaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan Ethiopia iyo Soomaaliya  ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay hoggaaminayaan ciidamo taabacsan dowladda KMG ah oo isku urursanaya halkaasi, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamadaasi ay sheegeen  in ay dhowaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay ka sifeyn doonaan waxa ay ugu yeereen kooxaha khawaarijta argagixisada ah, sida ay hadalka u dhigeen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: