DowladdaTanzaaniya oo sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen koox Burcad badeed ah.

Halkaan ka akhri

Mas’uul sare oo ka tirsan ciidamada  Badda gobolka xeebta koofureed ee dalka Tanzania ee  Matawaara  Mr. Steven Buyuuya ayaa sheegay in kooxo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah, kadibna markab  dagaal  oo ay leedahay Ciidanka badda dowladda Tanzaaniya oo ku suganaa meel 70   mile u jirta xeebta gobolka Matawaara ay weerar  ku qaadeen.

Sida lagu soo warramay Ciidanka badda ee saarnaa Markabka dagaalka ay  gacanta ku dhigay mid ka mid ah kooxihii weerarka Soo qaady, halka doonidii ay burad badeedu wateen iyo intii kale ee saarneed ay baxsadeen.

Hase yeeshee warkan ayaa sheegaya in meesha uu  ka dhacday falkan ay  ka howl gasho shirkad ka shaqeysa tamarta oo dalka Ingiriiska laga leeyahay, lamana sheegin kooxuhu in ay doonayaan in ay afduubtaan qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadaas ka sheqeeya iyo inkale.

Sidoo kale Saraakiisha Ciinkada ayaa waxay sheegeen in laba ka mid ah ciidamada dalka Tanzania ay israsaasaynta ku dhaawacmeen,   waxayna shaaca ka qaaday  in ruuxa  burcad badeed Soomaalida ah ay gacanta ku dhigeen, lana geeyey magalaada Darussalam ee xarunta dalka Tanzania si baaritaano loogu sameeyo.

Dhinaca kale ciidamada Mdowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in afar qof oo burcad badeed Soomaali ah ay u gudbiyeen wadanka Kenya  si halkaas loo maxkamadeeyo.

SomaliSwiss Darussalam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: