Dhismaha gurigii hore ee Hooyooyinka oo la qorsheynayo in uu dhowaan degaan u noqdo Xildhibaanada Baarlamanka.

Halkaan ka akhri

Wararka aanu ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maamulka gobolka Banadir uu ku amray in ay Mudo laba asbuuc ah kaga guraan barakacayaal deegaan ka dhigtay dhismaha gurigii hore ee  Hooyooyinka, halkaasoo oo loo qorsheeyay in laga dhigo deegaan lagu ilaaliyo xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu iminka kala dagan Hoteelo iyo guryo caadi ah oo ay qataro badan kaga soo waajaheen kooxaha Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, kadib markii ay soo gaartay dhimasho iyo dhaawac xidhibaano 10 ku dhow dhow oo deganaa Hotel Muna bishii Ramadan ee lasoo dhaafay, taasoo ay mas’uuliydeeda sheegteen Kooxda Al-Shabaab.

Hadaba waxaa la soo gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah ee deegaanka ka dhigtay xaruntii hore ee Hooyooyinkii wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxmuud Axmed Nuur Tarsan, taasoo lagu amaray dadka barakacayaasha ah in ay ku baneeyaan dhismaha mudo laba Sitimaan ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gurigii hore ee Hooyooyinka dayartir ku sameynayo, kadibna uu ka mid noqon doono xarumaha ay ku shaqeeyaan ama ay degan yihiin madaxda dowladda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeeysay ee dad deegaan ka dhigtay laga kiciyo guryaha dowladeed ee Soomaaliya, horey ayaa xarumo badan dadka barakacayaasha ah looga saaray, kuwaas oo kadibna la dajiyay ciidamada AMISOM ama kuwii Ethiopia ee ka horeeyay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: