Afhayeenkii Xisbul Islaam oo sheegay sababta ay ku kala tageen islaamiyiinta kasoo horjeeda dowladda KMG ah.

Halkaan ka akhri

Afhayeenkii Xisbul Islaam Maxamed Macalin oo ka aamusnaa beryahaan howlaha islaamiyiinta kasoo horjeeda dowladda KMG ah ayaa markii ugu horeysay la hadlay Kanaalka Al Jazeera, wuxuuna sheegay in iyaga iyo Al-Shabab ay ku kala tageen hishiis lagu doonayay in lagu mideeyo labada kooxood oo in mudaa ka socday Magalada Muqdisho, kaaso lagu kala tegay markii lays fahmi waayay.

Sida uu sheegay Maxamad Macallin waa markii labaad ay labadani koox ku hishiin wayeen in ay qaataan magac mideesan tan iyo sanadii 2009.

Hase yeeshee Maxamed  Macalin ayaa Tilmaamay in ay Xarakada Al-Shabab ka danbeesay in uu bur bur ku dhaco wada hadalkii soo jiitamayay mudo kabadan 3 bil kaasi oo ku Eedeeyay Shabab in ay ka madax adeegeen Codsiyadii Xisbiga .

Max’ed Macalin Cali oo haatan  ku sugan dalka Kenya oo uu ku galay si dhuumaalaysi ah markii ay isfahmi waayeen Xisbiga Xasan Daahir iyo Shabaabka isla markaana loogu hanjabay in la dili doono ayaa wareysi siiyay  Al Jazeera wuxuuna shaaca ka qaaday fashilka wareegii labaad ee wadahalladii Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo koofurta Soomaaliya uga socday saraakiil ka tirsan Labada dhinac. Halkaan ka aqri warbixin Somaliswiss hore uga qortay Afhayeenka 16-kii September, 2010

Dhinaca kale Sheikh Maxamed Macalin ayaa si cara leh waxa uu u sheegay in ay hadafka ay doonayaan Shabab uu yahay in ay baabi’iyaan jiritaanka Xisbul Islaam wuxuuna xusay in ay Al-Shabab la wareegeen mudada uu shirka socday Goobo muhiim ah oo ay xisbiga gacanta ku hayeen sida Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan taasi oo keentay in uu dib u dhac ku yimaado wada hadalka.

Maxamad Macallin masheegin lamana waydiin sababta uu in muddo ah ugu sugan yahay dalka Kenya oo uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay isla markaana laga baadi goobayo, mana uusan ka hadal xilaafkii soo kala dhex galay isaga iyo Xasan Daahir Aweys, kaasi oo ku kallifay inuu isaga soo cararo dalka Somaliya markii handadaado dil ah lasoo gaarsiiyay.

Halkaan ka aqri warbixin Somaliswiss hore uga qortay Afhayeenka 16-kii September, 2010

SomaliSwiss  News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: