Wakiilkii xarakada Al-Shabaab ee Kenya oo dowladda Ugandha ay Xabsiga dhigtay.

Halkaan ka akhri

Dowladda Uganda ayaa xabsiga u taxaabtay Omar Awad Omar oo loo yaqaan Abuu Saalax , wakiilkii Xarakada Al-shabaab ee Kenya isla markaana ahaa, ku- xigeenkii Abdalla Fazul ee Shabakadda Al-Qaida ee bariga Africa, kaasi oo lagu eedeeyay qaraxyadii ka dhacay caasimadda  Kampala 11-kii July ee sanadkan.

Mr. Omar, oo u dhashay dalka Kenya, ayay xukuumadda ku haysaa xabsi ku yaalla dalka Ugandha, waxayna si wada jir ah u cadeeyeen saraakiisha sirdoonka ee wadamada Ugandha iyo Kenya in Abuu Salax uu yahay madaxa farsamada ee Al-Qaidada bariga Africa iyo Wakiilka xarakada Al-Shabab ee Kenya ah ku xigeenka Abdalla Fazul oo madax u ah Alqaacidada Geeska Africa.

Waxaa lagu helay oo uu ku eedeeydsan yahay inuu masuul ka ahaa dhimashada 79 qof oo dhamaadkii ciyaaraha adduunka lagu qarxiyay laba goobood oo ku yaal dalka Uganda 11-kii july.

Saraakiisha sirdoonka labada dal ee Kenya iyo Ugandha, ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan iyo qof kale oo lala hayo ay qorshaynayeen qaraxyada ka dib weeraro kale oo ay ka geestaan dalka Kenya, waxayna warbixintu intaas ku daraysaa in Omar uu ahaa wakiilka Al-Shabab ee ka qori jiray dhallinyarada jihad doonka ah dalalka Kenya iyo Tanzania.

Somali Swiss Kambala

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: