Waa sidee xaalada degmooyinkii shalay lagu dagaalamay ee magaalada Muqdisho?.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramay in saakay laga dareemaya xaalad degnaansho degmooyinkii shalay ay ku dagalameen ciidamada dowladda KM Soomaaliya oo garabsanayay kuwa AMISOM iyo Xaarkada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

Shalay ayaa waxaa ka dhacay Gobolka Banaadir dagaalo iyo duqeymo geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo waxay ka dhaceen xaafado badan oo ka tirsan degmnooyinka Hodan, Howlwadaag iyo kuwa Woqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa laga dareemaya degmooyinkaasi deganaansho aan cago badan ku taagneen.

Hase yeeshee,  inkasatoo xaalada degmooyinkii shalay lagu dagaalamaya ay tahay mid degan ayaa hadana mararka qaar waxaa la maqlayaa rasaas iyo madaafiic teel teel ah oo ay isku ridaya labada dhinac maadaama ay isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagalameen sidaasi daraadeedna la filankaro in mar kale uu dagaal dhexmaro labada dhinac.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in deganaansho ka jirto degmooyinki shalay lagu dagaalamay ayaa waxaa la sheegayaa  in haatan ay sii kordhayaan khasaarihii ka dhashay dagaaladii maaliantii shalay ka dhacay qeyboi badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale inta la’og yahay tirada dadkii shalay ku dhintay  dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa saakay gaaray in kabadan 25-qof –halka dhaawucana uu yahay ku dhawaad 90-qof kuwaasi oo dhamaantooda ah dad rayid ah oo rasaastii iyo madaafiicdii ay isku ridayeen labada dhinac ay ku haleeshay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir sida uu Shabelle u xaqiijiyay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmedka deg dega.

Si kadta ha ahaatee inta badan dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha ugu xanuunka badan waxa uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan kuwaasi oo marti u noqotay madaafiicada oo ay isku ridayaan dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: