Nuxurka khudbaddii uu Madaxweyne Shariif ka jeediyay xarunta qaramada midoobay ee New York (Masawirro).


Halkaan ka akhri

Shariif sh.Axmad, Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somalia oo qudbad ka jeediyay xarunta golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa hadalkiisa kusoo qaatay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, nabadgelyada, iyyo khilaafkii dowladda hareeyay.

Madaxweynaha ayaa shirka ka sheegay inay lagama maarmaan tahay in wadamada Caalamka gacan ka geystaan sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada qalabka sida ee Somaliya si ay ugu guuleystaan wax ka qabashada Xaaladda aammaan darri ee ka jirta Soomaaliya, oo hadda ku tiirsan ciidanka Amisom.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliya u baahan tahay taageero dhinac kasta leh, mid niyadeed, mid dhaqaale iyo mid farsamo, wuxuuna xusay in Khilaafkii ka dhex jiray Madaxda Qaranka uu soo dhamaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in loo baahnayahy in Soomaaliya laga taageero dhinaca Dhaqaalaha si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo ay u tahay markii labaad ee uu ka qayb galo shirka qaramada midoobay ayaa soo hadal qaaday in ay muhiim tahay in ay wadamada Caalamka gacan ka geystaan sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada qalabka sida si ay ugu guuleystaan wax ka qabashada Xaaladda aammaan darri ee ka jirta Soomaaliya.

Madaxdii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa iyaguna ku baaqay in loo baahan yahay in gacan loo fidiyo Dowlada Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya Mwi Kibajki oo ka mid ah Madaxdii ka hadashay Shirka aya asheegay in xaalada Soomaaliya ka jirta ay qatar ku tahay arrimaha Nabad gelyada iyo xasilloonida wadamada deriska la ah Soomaaliya, isagoo ku baaqay in gacan laga geysto sidii loo dardar gelijn lahaa Howlaha wax looga qabanayo dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: