Nidaam cad oo waxtar u leh ku dhaqanka Diimaha iyo dhaqan bulshadeedka Shacabka Swiss-ka iyo dadka haysta Diimaha kale.

Halkaan ka akhri

Si loo fududeeyo kala duwanaanshaha dhaqanka iyo Diimaha ayaa Kanton Friburg u soo saaray Macallimiinta Iskuulada.

Qoraalka lagu soo bandhigay Nidaamkan ayaa waxaa uu ka koobnaa 20 bog oo si cad loogu qeexay, inkastoo aan ahayn  wax cusub, sidaas waxaa shaacisay Isabelle Chassot oo ka tirsan golaha dowlad goboleedka Friburg ee  Switzerland .

Nidaamkan ayaa ka jawaabaya doonista iyo rabitaanka Kantonka sidii wax looga qaban lahaa kala duwanaanshaha dhaqameed ee ardayda wax ka barata Iskuulada Kanton Friburg ee ka soo kala jeeda 137 wadan.

Go’aanka Nidaamkan ayaa yimid kadib markii in muddo ahba laga doodayey ku dhaqanka astaan diimeedka sida Xijaabka ay qaataan Hablaha Muslamiinta ah, sidoo kale Nidaamkan ayaa lagu caddeeyey in Xijaabka uu la mid yahay sida Astaame diimeedyada kale maka reebana in lagu tago Iskuulada, balse waxaa la mamnuucay oo reeban in la qarayo aragtida wijiga.

Si kasta ha ahaatee Xijaabku ma ahan wax dhib uga imaanaya Machadyada Iskuulada Kanton Friburg, hase yeeshee 5000kun Arday ee dhigata Iskuulada dhexe,  waxaa u soo qaata Iskuulada 10ban Gabdhood, sidoo kale  40’000kun ee dhigata Iskuulada Sare waxaa soo qaata wax ka yar 10 Gobdhood.

Guud ahaan Switzerland ardayda Iskuulada way soo xiran karaan Xijaabka Islaamka, balse Kanton Ginevra waa laga Mamnuucay Xirashada Xijaabka ay qaataan Gobdhada Muslamiinta ah waqtiga ay ku jiraan Fasalada Iskuulada, hase ahaatee marka ay ka soo baxaan way xiran karaan, sidaas waxaa go’ aansaday Kantonku, Maxkamada Federaalka ee Kanton Ginevra waa ay ku raacday.

SomaliSwiss  Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: