Xuska Maalinta Nabada Aduunka oo Maanta laga dhigay magaalada Muqdisho.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax weyn oo lagu maamuusayo Xuska Maalinta Nabada Aduunka, banaanbaxaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo dadweyne fara badan oo ay la socdeen  Barbaarta gaashaaman iyo kooxda Ciidanka Baambeyda.

 

Sida lagu soo warramay Banaan baxan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ayaa dadkii ka soo qeyb galay ay socod ku soo mareen Taaladii SYL ilaa Daljirka Dahsoon iyo EX Baarlamaanka, halkaasoo wadada ay soo buuxiyeen dad aad u fara badan.

Dhanka kale dibad baxayaasha ayaa waxay wateen boorar lagu muujinayay muhiimada nabada, ayaa waxaa dadka ay ahaayeen kuwo doonayay inay Nabad ka hirgasho Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqayeen halku dhigyo qiiro leh.

Hase yeeshee Kooxda Ciidanka Baambeyda Muusikada ayaa dhankooda astaanta Qaranka iyo suugaano nabadeed garaacayay, iyadoo dadkuna ay la jiibinayeen nabada wax-tarkeeda, sidoo kale barbaarta gaashaman ayaa iyaguna gabayo iyo suugaano ku cabiriyay qiimaha Nabada ay leedahay, iyagoo halku dhigooda ahaa Nabadaa naas la nuuge leh.

Ugu danbeyntii Banaan-baxayaasha ayaa markii dambe isugu soo uruuray Barxadda ka soo horjeeda Golaha Murtida iyo Madadaalada,waxaana halkaas kula hadlay Xubno ka socday qeybaha Bulshada rayidka, culumaa’udiinka iyo waxgaradka.

Ugu dambeyn waxaa banaan-baxayaasha la hadlay Gudoomiyaha Hey’adda CCD Mr Ciise Axmed Cumar oo ugu mahad celiyay dadkii ka soo qeyb galayaasha sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan nabada, iyo sida ay ugu heelan yihiin.

Sidoo kale Mudane Ciise Axmed Cumar ayaa tibaaxay inay dadaal ku bixinayaan taageerida Nabada iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen, isagoo cadeeyay in aanay jirin cid noolaan karta nabad la’aan, waxaana bulshada uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada xaqiijinteeda.

Banaan baxan ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho uu ka dhacaayo dagaalo, wuxuuna ku soo gaba gaboobay jawi deganaansho leh, hase yeeshee  dadka ayaa wajiyadoodu laga dareemayey inay u heelan yihiin inay nabad ku noolaadaansidoo kalena ay shucuurtooda ku muujiyeen sida ay u rabaan nabada.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: