Sheikh Shariif oo aqbalay Is-casilaaddii Cumar C/rashiid, islamarkaana u magacaabay Goonjeex xilka Ra’isal wasaaraha.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa si deg deg ah u aqbalay warqad iscasilaad ah oo uu ugudbiyay Ra’isul Wasaarahii hore ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo saaka gaarsiiyey Madaxweynaha warqad iscasilaad ah.

“Waan aqbalay Istiqaalada Wasiirka 1-aad; sida uu dhigayo Axdigu FKM anna bil gudaheed ayaan ku soo magacaabi doonaa Ra’iisul Wasaare cusub” ayuu yiri madaxweynaha oo sii raaciyay in xilikii raysulwasaaraha uu si ku meel gaar ah u sii ahaan doono R/Wasaare Ku Xigeenka Cabdulwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) wuxuuna sidoo kale u sheegay Wasiirada hadda jira, Wasiir kasta shaqadiisa inuu sii haynayo inta R/Wasaare iyo wasiirro cusub laga magacaabayo oo ay xilka ku wareejinayaan.

“Waa uu ku mahadsan yahay R/wasaare Cumar Cabdirashid sida uu khilaafkii dowladda uu qaab tanasul ah ugu soo af-jaray, waxaana hubaal ah in khibraddiisa iyo aqoontiisa uu Qaranka uga sii faa’iideyn doono.”ayuu yiri Madaxweyne Shariif, isaga oo dhanka kalena ugu baaqay Xil-dhibaanada in hadda wixii ka danbeeya xoogga la saaro midnimo, wada-shaqayn iyo iska-caabinta wax uu ugu yeeray cadowga dibadda.

Madaxweynaha ayaa iscasilaaddii Sharmarke iyo aqabalaadda ka dib u duulay dalka maraykanka oo uu uga qayb galayo shirka qaramada midoobay oo haatan ka socda magaalda New York ee carriga Maraykanka, waxaana isla marka uu soo laabto lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Ra’isulwasaare cusub oo soo dhisi doona xukuumad tiro yar.

SomaliSwiss Mogadisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: