Ninkii isku qarxin rabay madaxtooyada oo la sheegay in uu abti u noqday wasiir ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Muuse Cali Cabdulle (Shiine) waa magaca wiilkii doonayay inuu isku qarxiyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, si uu u dillo qaar kamid ah madaxda dowlada KMG, waxaana la ogaaday markii la toogtay oo ladilay kadib, in uu Muuse Shiine ahaa wiil ka tirsanaan jiray ciidamada ilaalada u ah wasiirka arrimaga gudaha Sheikh C/qaadir Cali Cumar, hase yeshee uu ka kamid ahaanshaha ciidanka mudo 5 bilood ka hor ah.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu wiilkaasi kamid ahaa ilaaladii wasiirka arimaha gudaha laakiin uusan mudooyinkan dambe kamid ahayn.

Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegtay wiilkan oo uu Abtiga u ahaa wasiirka arrimaha gudaha in uu ka mid ahaa ciidankooda, isla markaana uu ka tirsanaan jiray ciidamada dowladda, waxaana ay xuseen in weerarka Madaxtooyada uu u dhacay sidii qorshuhu ahaa ee Xisbul Islaam ay ugu tala galeen.

SomaliSwiss Mugdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: