Ciidamada AMISOM oo Muqdisho kusoo bandhigay wiil ay soo qabteen oo u dagaalamayay xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

 

Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa  Xarakada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo Maanta Shir jaraa’id Saxaafada ugu qabtay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen wiil dhalinyaro ah oo xiran dhar tuureysan, kaasi oo ay sheegeen saraakiisha in uu ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab, islamarkaana lagu soo qabtey howlgal maanta ay ka sameeyeen Nawaaxiga wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Brighiye Ba-hoku oo kamid ahaa saraakiishii soo bandhigtay wiilkaasi dhalinyarada ah ayaa waxaa uu sheegay in wiilka iyo afar kale oo ka tirsan ciidamada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamada AMISOM oo howlgal ka sameynayay nawaaxiga gurigii Shaqaalaha, isagoo sheegay in ay dileen 4 kale oo wiilkan Saaxiibadiis ah, islamarkaana gacanta ay ku soo dhigeen isaga.

Brighiye Ba-hoku waxaa uu sheegay in wiilkan oo lagu magacaabo Max’ed Macalin Aadan uu ka tirsanaa dhalinyarada Al-Shabaab uga dagaalama xaafadaha degmada Hodon, isagoo intaasi  ku daray in uu kamid yahay dhalinyaro fara badan  oo ay Al-Shabaab kasoo qaldeen degmada Diinsoor.

Afhayeenka ciidamada AMISOM waxaa uu intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in Al-Shabaab dhalinyaro aan aqoon u laheyn xaafadaha Muqdisho ay ku soo fasaxaan furunta dagaalka, isagoo sheegay in weerar kasta oo lagu soo qaado ciidamada AMISOM ay ku dilaan dagaal-yahano iyo dhalinyaro ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Wiilkan ay AMISOM kusoo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen wadada Shaqaalaha oo isna la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in uu ku saxsan yahay dagaalka uu kula jiro AMISOM, isagoo weliba halkaasi dar daaran ku aadan in dagaalada ay sii wadaan uga jeediyay Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo ay saraakiisha AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ay soo bandhigaan dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab oo ay dagaalka kusoo qabtaan, iyadoo bilowgii sanadkan ay soo bandhigeen wiil yar oo lugta ka go’an, kaas oo dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay kusoo qabteen .

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: