Xarakada Al-Shabaab oo Idaacadihii iyo TV-yadii magaalada Muqdisho xalay xoog kula wareegay.

Halkaan ka akhri

Maleeshiyaadka xarakada Al-Shabaab ayaa xalay xoog kula wareegay TV-ga iyo Raadiyaha GBC iyo idaacaddii iyo telefishinkii HornAfrik ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid ahaa warbahinta fara ku tiriska ah ee ku harsanaa meelaha ay ka taliyaan ee magaalada Muqdisho.

Shaqaalihii idaacada iyo TV-ga  GBC ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay Maamulka Idaacada la soo gaarsiiyay warqad ka socotay Maleeshiyooyinka Al-shabaab iyo xisbiga Daahir Aweys,  taas amraysay in idaacadasi Maamulkeeda laga doonaayo inay soo wareejiyaan, taasi oo maamulku ka aamusay, waxayna xalay maleeshiyooyin hubaysan oo ka socday Shabaab xoog kula wareegeen idaacaddii iyo TV-geeda.

Dhinaca kale isla xalay fiidkii hore ayay maleeshiyooyinku sidoo kale xoog kugaleen Idaacada iyo Telefashinka Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xarunta Idaacadaasi ku tiilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halka tan GBC ku tiillay wadada u baxda Ex Kontorol Balcad.

Al Shabaab ayaa kala eryay shaqaalihii Idaacadda Horn Afrik oo joogay Xarunta Idaacadda, waxayna la wareegeen Furayaashii Xaruntaasi, waxayna qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada u sheegeen saxaafadda in Al Shabaab la wareegeen iadacaddaas wixii xilligaan ka dambeeya, haseyeeshee ay dhowaan qaban doonaan shir saxaafadeed ay arrintaas uga ahdlayaan. HALKAAN KA AQRI WARAR KALE OO KU SAABSAN WARBAAHIN KALE OO AY HOREY ULA WAREEGEEN MALEESHIYAADKA AL-SHABAAB IYO XISBIGA. Al Shabaab waxay horey u qaateen qalabkii Idaacada Capital Voice oo lala lahaa Horn Afrik, sidoo kale waxay la wareegeen Qalabkii Idaacada Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho iyo Idaacadii Qur’aanka Kariimka oo iyaga taageerta hadda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: