Halkaan ka akhri
Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta amar gacmo goyn ah ku xukuntay, isla markaana ku fulisay 3 wiil oo laba kamid ah ay walaalo ahaayeen magaalada Marko ee xarunta gobalka Sh/Hoose.
Dhallinyaradaasi gacmaha laga gooyay ayaa lagu eedeeyay in ay alaabo ka qaateen dukaan ay jabsadeen, sida laga sheegay meeshii gacmaha looga goynayay oo ahayd meel fagaare ah.
Maleeshiyada Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa kusoo eedeeyay dhalinyaradaas mar sii horeysay in ay jabsadeen dukaan ku yiillay sida la sheegay tuulada Mareereey yareey oo 8-KM dhanka qorrax  dhac kaga beegan degmada Afgooye, iyagoo u gacan geliyay shan qof oo ay sadexdaas wiil kamid ahaayeen xarakada Al-Shabaab ee maamusha guud ahaan gobolkaasi.
Xukunka gacan goynta ah ayaa waxaa lagu fuliyay saddex kamid ah shantaasi ruux, waxaana weli baaritaan lagu wadaa sida ay sheegeen horjoogayaasha Al-shabaab labada qof ee kale.
SomaliSwiss    Marka
Filed under: Wararka |
You must be logged in to post a comment.