Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in dowladdiisa ay Berri hortegi doonto kulanka Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa waxa uu sheegay in talaabo uu ka qaadi doono xubno ka tirsan Ra’iisul wasare ku xigeenadiisa, Kadib markii shalay kulan ay ku yesheen Xildhibaanada barlamanka KMG ee Soomaaliya Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ay isku raaceen in maalinta Sabtida ah ay dowladda KMG ee Soomaaliya hortimaado Barlamanka.

Ugu horeyn Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono Ra’iisul wasaare ku xigeenadiisa kale ah Prof: C/raxmaan Xaaji Aadan Ibi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, kuwaasi oo uu sheegay in howl aan loo dirsan ay ku dhaqaaqeen, ka gadaal markii wasiirka Kaluumaysiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu shalay warqad jawaab oo maalin ka hor ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ku hor aqriyay Xildhibaanada barlamanka halka wasiirka gaadiidka iyo badda ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha uu sheegay maalmo ka hor xili uu Ra’iisul wasaaraha uu safar kaga maqnaa Soomaaliya  in ay Xukuumadda hor imaanayso barlamanka, taas uu sheegay Ra’iisul wasaaraha, in ay ka dambeeyaan arimo siyaasadeed.

Wuxuu kaloo uu sheegay in uu u gudbiyay Gudoomiyaha Barlamanka warqad jawaab oo caddeynayso in uu horimaanayo maalinta Sabtida ah Barlamanka, hase ahaatee Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu sharci daro ku tilmaamay in  kulankii shalay Xildhibaanada ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka taasi uu ku go’aamiyay in maalinta sabtida ah ay Xukuumadda hortagi doonto barlamanka KMG ee Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee arrintu Ra’iisul wasaaraha wuxuu intaasi ku daray inuu u gudbin doono Maxkamadda sare ee dowladda KMG ee Soomaaliya, dacwad uu ku ashkateynayo Barlamanka.

SomaaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: