Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo Maanta u dhoofay dalka Uganda.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay wadanka Uganda, isagoo halkaasi kulamo kula soo qaadan doono Madaxda sar sare ee dalka Uganda.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo dhowr xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka KMG Soomaaliya.

Agaasimaha Warfafainta Madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Sheikh Shariif uu Magaalada Kampala kula kulmi doono Madaxweynaha wadanka Uganda islamarkaana uu kala hadli doono arimo ku aadan ciidamada Uganda iyo sidoo kale ciidamada dowladda wadanka Uganda dhawaan ay u balan qaaday in ay u soo direyso Somaaliya.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay ee Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu Booqasho ku tago wadanka Uganda, hase ahee kii ugu dambeeyay uu ku tagay Kampala wuxuu ahaa kulankii Madaxda Midowga Afriga ay ku yeesheen Magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo Madaxda Afrika ay ku go’aansadeen in Soomaaliya loo diro ciidamo dheeri ah.

SomaaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: