Khilaafka Sheikh Shariif iyo Sharma’arke ma sharciyaa ma dan Shacabaa mise waa sheekadii hore? Maqaal xiiso leh.

Halkaan ka akhri

Waxaan igu kelifay inaan maanta arimaha siyaasada oo aan  ka gaabsaday mudo xuskooda inaan bal qalinka ku falanqeeyo ummadii dhamayd ee Soomaalida ahayd oo noqotay daawadayaasha  aflaanta lagu jilo madaxtooyada iyo hoteelada  magaalada Muqdisho, sida  Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.

Waxaynu ka wada dheregsanahay waxaa la yidhaahdo filin inuu yahay sheeko aan dhicin dhicina doonin ee qof mala awaalay si uu u kasbado maskaxda daawadayaasha ama xiiseeyaa aflaanta  waxaa ku baxa qarash badan waxaa dadka loo bixiyaa magacyo badan waxayna ku metelaan martabado kala duwan  ee ay bulshadu u qaybsan tahay, Shacab, Madax, Askar, iwm hadaba waxaa hadana jira  mawduucyo kala duwan iyo magacyo ay leeyihiin, oo uu qof waliba meel kaga aadan yahay filinkaas.

Miyaysan isu ekayn aflaanta lagu jilayay magaalooyinka aan soo sheegay mudo dheer  kuwa lagu sameeyo Hollywood, ee sanadka danbena kuwo ka cusub oo kuwii hore u eg  soo baxaan hadana mar kale laga gado dadka wajiyo cusub iyo magacyo cusub.

Waxaa  ka dib burburkii dowladii dhexe bilowday khilaaf iyo ismaan dhaaf ku dhisnaa dan shakhsiyadeed mana jirin ilaa  hada ilaa waqtigaas wax waday danta shacabka waxuu u dhacay intaan ka xasuusto jiiroonigan ama is reebreebkani sidan:-

Maxamed Siyaad Vs Jabhado.

Caydiid  Vs Cali Mahdi

Caydiid Vs Caato

Caydiid Vs Cabdulaahi Yuusuf

Cabdiqaasim Vs Cali khaliif Galaydh

Cabdiqaasim Vs Abshir Muuse

Cabdi qaasim Vs Hogaamiye kooxeed

Cabdilaahi Yuusuf  Vs Jaamac Cali Jaamac

Cabdilaahi Yuusuf Vs Cali Maxamed Geedi

Cabdilaahi Yuusuf Vs Nuurcade

Sheikh Shariif  Vs  Sharma’arke

Waxaan dhamaan daawayaasha soomaaliyeed ka marqaati yihiin  hogaanka umada soomaaliyeed oo noqday mid ay isu dhiibtaan muqdisho iyo boosaaso in  laga dhaxlay ciyaar  aad u cajiiba oo marna boosaaso dhexdeeda ah marna muqdisho dhexdeeda ah marna muqdisho  iyo boosaaso ah.

Hadaba waxaa marba  guusha  dhamaadka filinka raacda ama   bari iyo koonfur midkood iyada oo uu kan kalena caro iyo ciil la caraabo .

Waxaa  ciyaartii ugu danbaysay ku dhamaatay bari oo laga badiyay iyo koonfur oo koobka haysata

Waxaa hadana dib u bilowday wareegii  cusbaa ee labadii sanoba mar la qaban jiray oo  dhex marayaa labada  ciyaaryahan ee cusub waa shariif iyo Sharma, arke.

Ilaa hada ma jiro  mid guusha dhamaadka  metelaada filinka  loogu magac daray dowlada midnimada qaran oo aan mudo sacabka u garaacayna ahaana filin bilowgiisii qiiro lahaa oo qaab wadaniyad iyo lagu metelayay ayaa hada waxay u socotaa sheekadu dhamaadkii filinka iyo ka dhursugii

Ciyaaryahanada cusub ee iman doonaa labada sanee  fooda inagu soo haysaa

Ciyaaryahanadan oo calaamaadsan ayaa waxay  jiib iyo jaan raacin doonaan  qolyahan tartanku u socdo ilaa ay meesha ka baxaan , metelayaasha filinka waa baarlamaanka iyo wasiirada ayaa ah

Xubno aad u firfircoon oo iyagu jaanis u hela inay filin walba wax ka metelaan maadaama ay ku caan baxeen fahanka  doorka jilitaanka loo dhiibo daacad iyo daalin labadaba kii loo dhiibo ay jili karayaan.

Ugu danbayn waxaan   sugaynaa aniga iyo daawadayaasha kale  cida goolasha ku badisa

Waxaa filinkan qaadan doona abaalmarintiisa  labada  nin midkood  isaga oo lagu gudoon siin doono

Caasimadaha deriska midkood waxaana  bixinayaa abaalmarintaas  jimciyada quruumaha ka dhaxaysa

Ururka igad iyo jaamacad carabta iyo midowga yurub iyo midowga afrika oo ah

Kuwa iyagu iska leh maalgelinta iyo soo saarista iyo habaynta isku dubaridka filimaantii  mudada labaatanka sano ah lagu dhigayay cariga soomaalida.

Waxayna siin doonaa ninka ku guulaysta  kaalmihii iyo scoredii ay mutaysteen kuwii ka horeeyay

Waxaan iyaduna meesha ka maqnayn. In nin waliba qaato darajo ama ka hooseysa  ama ka saraysa kuwii ka horeeyaa,waxyaabaha lagu siiyo  dalacaada waxaa ka mida, xasuuqa,  khilaafka joogta ah, kala fogaynta umada,dagaalada , kala googoynta gobolada iyo deegaanka, burburinta magaalooyinka dhisan, abuurista mucaarad  hore leh, kor u qaadista maciishada iyo sicirbararka iibsashada  hantida qaranka  sida badaha, dhulalka  macdanta,  lunsashada hantida iyo mucaawino ku sheega ay bixiyaan soo saarayaasha aflaanta.

Nin walibana waxaa lagu dhigaa xidig ku taal aqalka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo aqalada kale ee midowga yurub iyo afrika iyo igad iyo jaamacada carabta magaciisaa inuu yahay  jilaa wayn oo filimo badan ka soo metelay  wadankiisa Soomaaliya.

Hadal badan dan baa dhaanta bulshadii  dawakha ee soomaaliyeedeey waxaan sugnaaba waa ciyaartii sanadka cusub ee 2010 iyo dhamaadkii dowlad ku sheega umada labada shariif iyo Sharma,arke.

Waxaan ku soo afjaryaa qoraalkayga .

 ———————————-

Shilin laysku haystiyo

Shaxaadkii aduunyada

Ayaa shaamareer dhigay

Shandadii shariifiyo

Shirqoolkii Sharma,arkaa

Shirku maanta weeyee

Tolow kuma la shidanoo

La shafaysan doonaa

 ———————–

Haddii ay is sheelaan

Ama ay is sheegaan

Ama shuhub abuuraan

Shiinkaba kumaan arag

Shaqo ay qabteeniyo

Sharci ay sameeyeen

Iyo shay wax gali kara

Shido iyo dhib mooyee

Shawahaad ciyaariyo

Hadba shirar u duuliyo

Shabahaad xun mooyee

Shay xalaal ah kuma maqal

 —————————–

Haddii ay is shiishaan

Ama kala shakiyayaan

Ama kala shirayaan

Shilimaad u qaybshaan

Baarlaamka shaahana

Shaqo shacabku kuma laha

Shuqulkoodu waa gaar.

Shishaa laga hagaayoo

Shidaal looga shubayaa

Shaqaalay u wada yihiin

Cadawgiyo shisheeyaha

—————————————–

Waa Qalinkii iyo Hal Abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: